Sacuudiga oo ku qasbanaaday inuu Iran ka dalbado heshiis

Reer Aal Sacuud guuldarradii oo jumlad ah baa Rabbi dushooda ka yeelay. U gu dambayn waa ay ku qasbanaadeen in ay qirtaan qalashadii Khaashuqji. Sharcidajinta Maraykanka iyo hay’ado waaweyn oo caalamka ahi wax ay wacad ku mareen in aanay dacwaddaa ka hadhayn ilaa ciddii ka masuulka ahayd loo ciqaabo, ciddaasina waa Ibn Salmaan.

Dagaalkii Yaman ee ay dad iyo duunyaba ku waayeen, ee godobta iyo gumaadka ku galeen, iyagii baa la rogtay oo 2500 oo askari iyo hubkoodii baa maalin qudha cagta la mariyay. Intaa uun ma aha ee weliba laba gobol oo dalkooda ah baa gudaha loo galay oo waxa la doono la ga sameeyay. Gantaalaha riddada dhexe iyo dayuuradaha is wada ayaa habeen iyo maalin sida roobka u gu hooraya. Xuutigii ay quudhsanayeen baa imika gacanta u gu haya shuruudaha nabadda iyo colaadda.

Warshadihii safaynta baadroolka ee irsaaqaddooduba ku xidhnayd cardaaddiqaha ayaa la ga dhigay, is kana daa in ay is difaacaan ee ilaa imika xitaa dhan loo ga yimid bay sheegi kari la yihiin, ma Eeraan ma Xuuti, ma Yuhuud ma Maraykan? Waxsoosaarkoodii saliidduna wax uu hoos u dhacay 70%. Xaruntii tareenka dalkooda u gu weynayd ee Jidda oo balaayiin Riyaal ka ga baxday saacad gudaheed bay dambaska noqotay, mana qeexi karaan sida meeshaa wax u ga dhaceen.

Maraykankii ay lacagtoodii oo dhan siiyeen ee is ku hallaynayeen wuu diiday in uu Eeraan la dagaallamo oo ka difaaco, dabadeed wax ay ku qasbanaadeen in ay jilbaha ku gurguurtaan oo Eeraan heshiis ka baryaan. Ergooyin aan ka la go lahayn bay is ka dabo dirayaan. Eeraantuna si ay u jilciyaan oo u bahdilaan mar waa ay ka sii jeesanayaan, marna dhoollacaddayn yasid ah bay tusayaan.

Xagga amniga gudaha, taliyihii ilaalada boqortooyada, oo ka soo jeeda qoys ay aad u gu kalsoonaayeen, nin baas oo aan balaayo soo dirtay la garanayn baa xabbad wadnaha ka ga dhuftay oo dhimay. Maxamed bin Naa’if oo ah kii ay dhaxaltooyada ka inqilaabeen oo aan muddo la arag baa isaguna xalay meel daran mudh ka soo yidhi oo fagaaraha ka muuqday, (ma isaga ayay Maraykanku ku beddeli doonaan dadqal Ibn Salmaan?).

Dalka yar ee Gadar oo ay iyaga iyo Imaaraadku wadajir u gu qaadeen dagaal dhaqaale iyo siyaasadeed, oo ay damceen in ay bad, berri iyo cirba ka go’doomiyaan, wuuba sii badhaadhay oo dhaqaale ahaan iyo sumcad ahaan heerka u gu sarreeya ayuu gaadhay. Gadar wax ay qabanqaabisay tartannada cayaaraha adduunka, saddex sano ka dibna waxaa la gu qabanayaa tartanka kubbadda caalamka.

Faragelintii sharka ahayd ee ay dalalka Carabta iyo Dunida Muslinka oo dhan ku hayeen waa gunaanad. Soodaan durba gacantooda waa ay ka baxday oo xorriyad iyo dimuqraadiyad baa ka ubax bixisay, Aljeeriya doorasho qof iyo cod ah baa kaabiga ku soo haysa, Masar kacdoonkii Guga Carbeed dardar cusub buu la yimid, oo awal awoodo siyaasadeed baa waday ee imika waa gadood dadweyne oo aan si loo joojiyo la garanayn. Liibiya dhiigyacabkii iyaga dabadhilifka u ahaa ee Janan Xaftar ee ay iyaga iyo Imaaraadku doonayeen in ay dawladda sharciga ah ku burburiyaan far wuu dhaqaajin kari la yahay, hub kasta oo ay siiyeen. Suuriya wax wal oo ay Aal Sacuud necbaayeen baa guulaystay. Turkigii iyo Eeraan oo is ku duubani Ruush bay dunta ku xidheen oo quwad aan Maraykan eegi karin bay noqdeen.

Shucuubtii Carabta iyo Muslinka oo dhami qoyskaa faasidka ah waa ay sheyddaamaysay oo sanka ayaa la ga wada haystaa, cid aan sheyddaanka ahayn oo maanta garab iyo gaashaan u ahani ma jirto.

Ilaahay guuldarradii oo jumlad ah buu dusha ka saaray Aal Sacuud. Waa qoys lacnadan oo fidno iyo fasahaad ku ah dunida qaybta aynnu ku naallo.

Ibrahin-Howd Yusuf