Ninba Maalintiisaa Loo Buraan-Buraa !!!

Looma kala harin, si mug leh ayaa looga soo qeyb galay, waa la isku arkay, Madax iyo Majaba waa joogeen, xaflad uu miisaankeedu aad u ballaaran yahay ayay aheyd, dhaqaale intii Alle ugu tala-galayna waa ku baxday!

Maalin weyn ayay shallay u aheyd Duqa Muqdisho, farxad, kalsooni iyo akhyaarnimo ayaa ka muuqatay, hareeraha waxaa ka fadhiyay maqaawiir {Odoyaal} culus oo ka mid ah jilib diirta Dawladda Federaalka, kuwaasi oo ujeedadoodu aheyd sidii ay garab istaag, dhiiri-galin iyo #Hiilba ay ugu muujin lahaayeen Guddoomiyaha loo Cimaamadayay!!!

Guddoomiyaha Aqalka Sare, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya, Wasiirro, Xildhibaanno, Taliyaasha ciidamada, madaxda dhaqanka iyo boqollaal ka tirsan shacbiga G/Banaadir ayaa ka soo muuqday munaasabaddaasi,
hadallo u badan soo dhaweynta iyo taageerada Duqa cusub ayaa xafladdaasi laga soo jeediyay.

Khudbad u badneyd balanqaad ku aadan arimaha uu qaban doono ayuu halkaasi ka sheegay Duqa Muqdisho oo caddeeyay inuu ummadda Muqdisho ugu adeegi doono hannaan ku dhisan caddaalad, midnimo iyo Sidii loo horumarin lahaa nabadgelyada, Bilicda & adeegyada loo qabanayo bulshada reer Muqdisho.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali khayre oo inta badan loo dheg raaricinayay khudbadda uu fagaarahaasi ka soo jeedin doono ayaa sheegay inuu soo dhaweynayo magacaabista Cumar Finish, waxaana uu shaaca ka qaaday in Guddoomiyaha cusub loo soo xulay sidii uu Dawladnimo ugu hogaamin lahaa shacbiga Muqdisho, isaga oo ku cel-celiyay inay xukuumadiisu diyaar la tahay taageerida maamulka Cumar Finish.

Aragtiyo kala duwan ayaa laga bixiyay xafladdaasi, taageerayaasha Nabad iyo Nolol ee munaasabaddaasi la dhacsanaa ayaa aaminsan in xafladaasi ay aheyd mid loo baahnaa in la qabto, si Duqa Muqdisho loo tuso Jaceylka iyo taageerada loo hayo.

Hadlakaas mid ka duwan waxaa rumaysan siyaasiyiinta ay xafiiltamaan Nabad iyo nolol kuwaasi oo laga soo xigtay in xafladdaasi ay aheyd #Dhoola_Tus_Siyaasaddeed oo lagu soo beegay waqti ay kacsan tahay xaaladda siyaasaddeed ee Soomaaliya.

La yaab ma leh, waa dhici jirtay waana dhici doontaa in marka la magacaabo Masuul walba oo madax ka noqda Muqdisho in loo qabto maalin isaga u gaar ah oo loo Buraan-buro!

Xaqiiqdii shallay si Hagar la’ aan ah ayaa Guddoomiyaha G/Banaadir Loo mashxaradeeyeey, xafladdaasi oo socotay saacaddo badan ayaa ugu dambayntii Duqa waxaa loogu duceeyay inuu Alle u fududeeyo hawsha culus ee sugaysa!

WD:CLaahi Shiikhaaalow