Maxaa sababay in ay kulan yeeshaan Cali Mahdi, Sheekh Shariif iyo Xassan Sheekh

Ma filayo in Cali Mahdi, Sheekh Shariif iyo Xasan Sheekh weligood yeesheen kulan siyaasada Soomaaliya looga hadlayo ka hor axadii la soo dhaafey ( 29/09/2019). Seddaxda madaxweyne waa rag jecel dowladnimadda Soomaaliya iyo hanaanka demoqraadiyadda. Hadal aan iska leeyahay ma aha taariikhda siyaasada iyo dowladnimada Soomaaliya ayey ka dhex muuqataa. Seddaxdan siyaasi keliya ma aha ee beesha ay ka dhasheen ayaa dowladnimadda iyo nidaam demoqraadi ah in Soomaaliya ka hirgalo taageerta mar walba.

Marka laga reebo Cabdiqaasim Salaad Xasan tan iyo xuriyadii madaxweynayaasha Soomaaliya soo marey oo xukunka si Demoqraadi ah ugu dega kadib cidda ka guulleysata taageerta beesha Mudulood rag u dhashey ayaa laga hayaa ka soo bilow Madaxweyne Aadan Cabdulle Cusmaan ilaa Xasan Sheekh Maxamuud.

Cali Mahdi Maxamed wuxuu isku soo taagey xilka madaxweynenimada Soomaaliya shirkii Carta 2000. Tartankii doorashada wareegii labaad in uu tartamo wuu ka tanaasuley kadib markii uu heley codad yar oo kooban balse wuxuu caddeeyey in uu taageerayo cidda tartanka ku soo baxdo. Cabdiqaasim Salaad Xasan oo madaxweyne loo doorteyna wuu taageerey, asaga keliya ma aha ee beesha Mudulood intooda badan ayaa taageerey oo waxaa madaxweyne Cabdiqaasim iyo Xildhibaannadii la socdey la dejiyey Waqooyiga Muqdisho gaar ahaan Hoteel Ramadaan iyada oo Beesha Cabdiqaasim ka dhashey oo xilligaas haysatey Koonfurta Muqdisho lagala fogaadey madaama hogaamiye kooxeedyadii Koonfurta Muqdisho haystey ka soo horjeesteen dowladdii Cabdiqaasim hogaaminayey una diideen in Villa Somalia oo ay gacanta ku hayeen dejiyaan Cabdiqaasim iyo dowladdii uu madaxweynaha ka ahaa. Golihii Wasiirada ee Cali Khaliif Galeyr Ra’iise Wasaaraha ka ahaa Hoteel Ramadaan ayaa lagu dhisey.

Beesha Mudulood waxey mar walba taageeraan soona dhaweeyaan dowlad walba oo Soomaali doorata, madaxdooduna xukunka iskuma dhejiyaan. Laakiin sida Soomaalida ugu lisaan looguma hanbeeyo. Dhacdadii lagu horjoogsadey Sheekh Shariif safarkiisii Kismaayo iyo hab dhaqanka aan Demoqraadiyadda iyo Dastuurka ku dhisnayn ee la yimaadeen Formaajo iyo Khayre wuxuu hurdada ka kiciyey seddaxda madaxweyne, waa qasab in ay wax iska weydiiyaan xaalada siyaasadeed ee dalka uu galey. Ragga iyagoo weli awood lahayn ee inta sharciga siiyey ku amar ku taagleenaya ayey la yaabin yihiin, waxaa u soo urey shiir kalitalisnimo.

Xasan Sheekh si loo aflagaadeen jirey xilligii uu madaxweynaha ahaa ma jiro madaxweyne loo dhaliiley loona aflagadeeyey. Salaad Cali Jeelle, Tarsan iyo Fiqi ayaa Hoteelada ku dhaliili jirey maamulkiisa weligiina uma jawaabin lamana sheegin Hoteel uu ka mabnuucey in shir siyaasadeed lagu qabto. Saxaafaduna xor ayey xilligiisu ahayd. Laakiin maanta waxey joogtaa car yaa hadli kara, yaa shiri kara, yaa dhoofi kara !. Iyada oo amniga madaxdeenu ay sugayaan ciidamada Ajaaniib ah.

Rag ayaa waxey leeyihiin haddii ay shiraan maxey qaadi karaan. Ragga sidaa u hadlaya waa rag aan la socon siyaasada Soomaalida. Soomaali weli dowlad dhab ah oo heshiis lagu yahay ma laha, bulshadu weli waa beel beel. Seddaxda Madaxweyne ee shirey waa raggii ka shaqeynayey in Soomaali yeelato dowlad Demoqraadiyad ku dhisan, doorasho qori isku dhiib dhiib ah, isku tanaasul iyo isku soo jiidid iyo Soomaali isku timaado oo dowlad ka dhaxeysa yeeshaan oo aan cunfi iyo kelitalisnimo ku dhisnayn.

Waxaa xusid mudan ciidamada jooga Waqooyiga Muqdisho ilaa Jowhar ee Dowladda Soomaaliyeed dusha ka ilaaliya waa Mudulood oo aan ku jirin hal wiil oo reer kale ah. Sida kuwa jooga Puntland hal beel u yihiin ama kuwa Axmed Madoowe ku haysta Kismaayo ama kuwa Baydhabo ka howl gala. Weli ma jiraan ciidamo Soomaaliyeed oo laysku dhafey oo qabiil ka madaxbanaan. Yaan lagu kadsoomin dowladnimadda Soomaaliya ee maqaarsaarka ah. Lama joogo xilli laysku dowladayn lahaa. Soomaali weli waxey ku jirtaa xilli laysku soo jiidi lahaa ummadda oo laysku wadi lahaa.

Janaayo 2013 Qaramada Midoobe markii ay oggolaatey in cunaqabateenta hubka 6 bilood in si tijaabo ah looga qaado Dowladdii Xasan Sheekh madaxweynaha ka ahaa si ay u soo iibsadaan hubka fudud waxaa arrintaas ka horyimid maamulada Puntland iyo Soomaaliland oo waxey yiraahdeen ciidamadda Xamar jooga waa hal beel hubkaasna hal beel ayuu gacanta u galayaa. Doodaas in ay keenaan Puntland iyo Somaliland gar bey u lahaayeen maxaa yeeley weli dhab Soomaalida uma heshiin cabsi ayaana weli jirta.

Nin siyaasi ah oo reer Puntland ah ayaa maalin dhaweed isoo wacey asaga oo walaac ka muujinaya ciidamada Dhuusomareeb uu Ra’iise Wasaare Khayre ku arruurinayey maalin kadib markii ciidamadii Baledweyne joogey la geeyey Dhuusomareeb.

Inta nin Soomaali ah ka cabsanayo ciidamo kale Soomaaliyeed ee gobol kale jooga nabada iyo dowladnimadda Soomaalida weli wey fogtahay.

Waa gar in Cali Mahdi, Sheekh Shariif iyo Xasan Sheekh in ay ka arinsadaan mustaqbalka dalkan maxaa yeeley iyagu dalkii ayey joogeen 30 sano ee la soo dhaafey waa xogogaal wax badan og, wax badana wey xeerinayaan. Waxaase u muuqda in rag qurbaha ku maqnaa oo aan ogeyn waxa dhib dalkan laga soo marey iyo in la soo gaarsiiyo meesha uu hadda joogo in si laablakac iyo fudeed ku jiro in dalkaan dib bohol ugu ridaaan dowladnimadiisa iyo wadajirkiisa oo weli baadigoob loogu jiro sidii loo xaqiijin lahaa.

Ilyaas Mohamud Hussein