Taliska Mareykanka ee Africom oo Sheegay in laba Weerar uu Ugu Jawaabay Weerarkii lagu soo qaaday Bali-doogle.

Warsaxaafadeed ka soo baxay taliska mareykanka ee Somalia ee magacooda loo soo gaabiyo Africom ayaa lagu sheegay in taliska mareykanka ee Africom ay jawaab millitari kabixiyeen weerarkii shalay alshabaab ay ku qaadeen saldhiga ciidamadda maeykanka iyo kuwa danab ee xooga dalka somaliyeed ay kuleeyihiin garoonka balidoogle ee gobalka shabeellaha hoose.

????????????????????????????????????

Warsaxaafadeedka kasoo baxay taliska mareykanka Somalia ee Africom ayaa lagu sheegay in duqeymo lagu bartilmaameedsaday goobo ay ku sugan yihiin dagaalayahanadda alshabaab.

General William Gaylar oo ah madaxa howlagallada taliska mareykanka Somalia ee africom ayaa sheegay in ey fuliyeen weeraro duqeymo diyaaradeed loo adeegsaday kuwaasi oo jawaab u ahaa weeraradii alshabaab ay kusoo qaadeen saldhiga millitari ee mareykanka uu ku leeyahay balidoogle.

“Waxaan duqeymaha ku burburinay labo gaari oo alshabaab ay lahaayeen sidoo kale waxaan ku dilnay duqeymaha kudhawaad 10 dagaalyahan oo kamid ah alshabaab mid kamid ah gawaarida aan burburinay waxa ay kulug laheed weeraradii alshabaab ay kusoo qaadeen saldhiga balidoogle” ayaa lagu yiri warsaxaafadeed kasoo baxay taliska mareykanka Somalia ee Africom.