Sheekh Shariif,Xasan Sheekh iyo Xisbiyada Siyaasadeed ee Soomaaliya oo Shir ku leh Magaalada Muqdisho.

Magaalada Muqdisho ayaa Goordhow waxaa Shir xasaasi ah uu uga furmay Madaxweyneyaashii hore ee Soomaaliya iyo qaar ka mid ah Madaxda Xisbayada siyaasadeed ee dalka ka jira.

Shirka ayaa waxaa goobjoog ah Xasan Sheekh Maxamuud,Sheekh Shariif Sh Axmed iyo inta badan Madaxda Xisbiyada siysaadeed,iyadoo la filayo in qodobo laga soo saaro markii uu soo dhammaado.

Sidoo kale Madaxda uu Shirka u socdo ayaa waxaa la filayaa inay ku dhawaaqaan Isbaheysi cusub ay ku mideysan yihiin Xisbiyada Wadajir, Himilo Qaran, UPD, Ilays iyo kuwa kale.

Warbaahinta Magaalada Muqdisho ayaa waxaa Maanta loo yeeray goobta uu Shirkaas ka socda.