Amnesty International: Beeraleyda Soomaalida ah ee uu Mareykanku u laayay Argagixisanimo.

War saxaafadeed ay soo saartay hay’adda u doodda xuquuqda aadanaha ee Amnesty International ayaa lagu sheegay in Milateriga Maraykanka ay si weyn isaga indha-tireen dadka rayidka ah ee ku dhinta duqeymaha ay ka geystaan Soomaaliya.

Tan iyo Markii uu maamulka Aqalka Cad ee Mareykanka ee Mareykanka la wareegay Donald Trump waxaa aad u sii xoogeystay howlgalladii ay Mareykanku ka wadeen Soomaaliya, waxayna si toogto ah Washington u sheegataa inay weerarradeeda khasaare ugu geysatay kooxda Al-Shabaab ee gacan saarka la leh shabakadda Al-Qaacidda, kuwaasoo uu Mareykanku u aqoonsan yahay dhaqdhaqaaq ‘argagixiso ah’.

Hase yeeshee Amnesty International ayaa sheegtay in duqeymahaas ay saameyn aad u ballaaran ku yeeshaan dad rayid, Soomaali ah, oo u badan beeraley.

War saxaafadeedka ugu dambeeyay ee ay maanta oo ah 1 October, 2019 soo saartay hay’addan u doodda xuquuqda aadanaha ayaa lagu yiri:-

  • Caddeymo horleh ayaa muujinaya in saddex nin oo duqeyn lagu beegsaday ay ahaayeen beeraley rayid ah oo aanay ahayn “argagixiso”
  • Milateriga Maraykanka ayaa iska indha-tiray xaaladda qoysaska dadkooda la laayay
  • Amnesty International ayaa ilaa hadda diiwaangelisay in ka badan dhowr iyo labaatan qof oo rayid ah kuwaasoo ay waxyeello kasoo gaartay dagaalka qarsoodiga ah ee ay wado dowladda Maraykanka

Sida lagu xusay War-saxaafadeedkan, Baaritaan ay samaysay hay’adda Amnesty International ayaa muujinaya in saddex nin oo milateriga Maraykanka uu duqeyn ku dilay bishii Maarso iyagoo loo beegsaday inay yihiin “argagixisada Al-Shabaab” ay ahaayeen beeraley rayid ah, isla markaana aanay jirin caddeyn muujinaysa inay wax xiriir ah la lahaayeen ururkaasi.

Hay’adda ayaa sidoo kale ogaatay in inkastoo bishii Mey ciidamada Maraykanka lagu wargeliyay in si khalad ah ay u go’aansadeen in ugu yaraan mid kamid ah raggaasi uu dagaalyahan ahaa, uu haddana taliska milateriga Maraykanka ee Afrika (AFRICOM) ku guuldaraystay inuu la xiriiro ehelada ninkaasi si ay baaritaan ugu sameeya dilkiisa. Saddexda nin ee la dilay ayaa wadar ahaan ka tegay 19 carruur ah.

“Waa arin aad u xun in taliska AFRICOM uu u muuqdo mid aan ka warqabin cidda ku dhimanaysa ama ku dhaawacmaysa dagaalka qarsoodiga ah ee uu ka wado Soomaaliya. Waxaa se ka sii daran in taliska aanu samayn qaab ay qoysaska dhibaatadu gaartay kula xiriiri karaan, isla markaana uu ku guuldaraystay inuu la xiriiro qoysaska dadkoodu waxyeellada gaartay kadib markii su’aal la geliyay sheegashada milateriga ee ku aaddan sida ay wax u dhaceen,” ayuu yiri Cabdillaahi Xasan oo ah cilmi-baaraha Amnesty International u qaabilsan Soomaaliya.

“Tani ayaa qeyb ka ah kiisaska badan ee uu milateriga Maraykanka ugu suntayo qeyb ballaaran oo kamid ah bulshada Soomaalida inay yihiin “argagixiso”. Wax tixgelin ah lama siiyo dhibbanayaasha rayidka ah ama xaaladda adag ee ay ku sugan yihiin qoysaska laga dhintay.” Ayuu hadalkiisa raaciyay.

Maxaa kale oo lagu yiri War-saxaafadeedka?

.Lahaanshaha sawirkaGETTY IMAGES
Image captionMareykanka labadi sano ee la soo dhaafay wuxuu Soomaaliya ka fuliyey 110 duqeymo dhinaca cirka ah

Warbixinta ay soo saartay Amnesty oo nuqul ka mid ah lasoo gaarsiiyay BBC-da ayaa lagu xusay dhacooyin kale oo waxyeello loogu geystay dad rayid ah.

Duqeyn ka dhacday deegaanka Cabdow Dibile

Abaare saddexdii ilaa afartii galabnimo ee 18-kii Maarso 2019, duqeyn uu Maraykanka fuliyay ayaa lala helay gaari nooca Toyota Surf ah oo marayay meel u dhaw deegaanka Cabdow Dibile oo qiyaastii 5 kilomitir u jirta magaalada Afgooye ee gobolka Shabeellaha hoose. Saddex nin oo gaariga saarnaa ayaa ahaa beeraley shaqadooda ka laabanayay una socday guryahooda oo ku kala yaalla Muqdisho, Leego iyo Yaaq Bariwayne oo ka tirsan Shabeellaha hoose.

Duqeynta ayaa gebi ahaanba burburisay gaariga, waxaana isla goobtaasi ku dhintay darawalka waday oo ahaa Cabdiqaadir Nuur Ibraahim (46 jir) iyo Ibraahim Maxamed Xiirey (30 jir) oo la socday.

Nin ay saaxiib dhaw ahaayeen Cabdiqaadir Nuur Ibraahim ayaa subixii xigay booqday goobta, isagoo tilmaamay waxa uu halkaa ku arkay: “Gebi ahaanba waxaa googo’ay jirka Cabdiqaadir balse waan aqoonsaday….. wejiga ayuu ka gubtay….. waxaan sidoo kale aqoonsaday saacaddiisa oo ka laalaaday qeybta hore ee gaariga.” Haweeney aragtay goobta uu weerarka ka dhacay ayaa Amnesty International u sheegtay in Cabdiqaadir Nuur Ibraahim iyo Ibraahim Maxamed Xiirey ay “labaduba aad u gubteen, jirdkooduna cad-cad u googo’ay.”

Nin saddexaad oo gaariga la saarnaa oo ay isku aabbo yihiin Cabdiqaadir laguna magacaabo Mahad Nuur Ibraahim (46 jir) ayaa si xun ugu gubtay weerarka, waxaana uu qiyaastii saddex todobaad kadib ku geeriyooday cisbital ku yaal Muqdisho. Diiwaanka dhakhtarka oo ay aragtay Amnesty International ayaa muujinaya inuu wadnaha joogsaday kadib markii uu gubtay in ka badan kala bar jirkiisa. Ma jirto wax caddeyn ah in taliska AFRICOM uu iskudayay inuu ninkaasi la xiriiro ka hor inta aanu dhiman.

War saxaafadeed uu taliska AFRICOM soo saaray 19-kii Maarso ayaa lagu sheegay in raggaasi ay ahaayeen “saddex argagixiso,” iyadoo aan lagu muujin wax caddeyn ah. Waxaa sidoo kale lagu sheegay war saxaafadeedka in taliska AFRICOM “uu ka war hayo warar sheegaya in dad rayid ah ay waxyeello soo gaartay.” Isla markaana uu eegi doono macluumaadka muhiimka ah ee ku aaddan weerarkaasi.

Haseyeeshee bishii Mey, weriye u shaqeeysa wargeyska Foreign Policy ayaa taliska AFRICOM u bandhigay caddeyn muujinaysa in Ibraahim Maxamed Xiirey uu ahaa qof rayid ah, waxaana uu u raaciyay telefoonnada ehelkiisa. Balse ilaa hadda talisku lama aanu xiriirin dadkaasi.

Bishii Agoosto, Amnesty International ayaa macluumaad dheeraad ah oo ku aaddan kiiskaasi la wadaagtay AFRICOM, balse taliska ayaa ku adkeystay sheegashadiisa ah in saddexda nin ay “argagixiso” ahaayeen, waxaana uu yiri: “Duqeyntaasi waxaa lagu beegsaday xubno hoose ee Al-Shabaab ee ku sugan Shabeellaha hoose si niyadda looga jebiyo ka hor duulaanka ay qaadayeen ciidamada Soomaaliya…. Si gaar ahna, xogta la ururiyay ka hor iyo kadib weerarka ayaa muujinaysa in dhammaan dadka ku dhintay ama ku dhaawacmay weerarka ay ahaayeen xubnaha Al-Shabaab ama kuwo xiriir la leh.” Taliska ma aanu bixin wax caddeyn ah oo ku aaddan sheegashadiisa, mana uusan sheegin inuu baaritaan dheeraad ah ku samaynayo weerarkaasi. Ilaa iyo haddana taliska AFRICOM ma aanu bedelin go’aankiisa ku aaddan kiiskaaskii ay u bandhigtay hay’adda Amnesty International.

Amnesty International ayaa weerarkii 18-ka Maarso ka waraysatay 11 qof oo si fool ka fool ah iyo qaabab kaleba ay ula xiriirtay, waxaana ka mid ah xubnaha qoysaska ragga la dilay, dadkii tegay goobta uu weerarka ka dhacay, shaqaale ka tirsan shirkadda Hormuud oo uu ka shaqeyn jiray mid kamid ah ragga dhintay.

Hay’adda ayaa sidoo kale qiimeyn ku samaysay wararka warbaahinta, war saxaafadeedka dowladda Maraykanka, diiwaanka iibsiga gaariga, kaararka aqoonsiga rasmiga ah, diiwaanka dhakhtarka, muuqaallo caddeyn ah oo laga soo qaaday goobta uu weerarka ka dhacay iyo dhaawacyada soo gaaray dhibbanayaasha.

Dhammaan dadka ay la hadashay hay’adda ayaa ku adkeysanayay in raggu aanay ka tirsanayn Al-Shabaab. Sidoo kale, ururka ayaan ehellada ragga la dilay ka horjoogsan inay aastaan meydadka, maadaama Al-Shabaab ay iyadu duugto dagaalyahannadeeda laga laayo.

Qaabka uu taliska AFRICOM uga hadlay weerarka iyo qoraallada ay is dhaafsadeen Amnesty International ayaa su’aalo badan gelinaya habka xog ururinta iyo beegsiga dadka uu ku tilmaamay inay “xiriir la leeyihiin” Al-Shabaab, taasoo meel ka dhac ku noqon karta sharciga caalamiga ah ee bani’aadannimada.

Ugu yaraan dhowr iyo laabatan qof oo rayid ah oo la dilay ama la dhaawacay

Ilaa iyo haatan, Amnesty International waxay diiwaangelisay lix kiis oo la rumaysan yahay in duqeymaha cirka ee Maraykanka ay sababeen khasaaro soo gaaray dadka rayidka ah – waxaa ku dhintay 17 qof, halka dhaawacana uu yahay sideed kale.

20-kii Maarso ee sanadkan, warbixin xasaasi ah oo ay hay’addu ka diyaarisay

Dagaalka qarsoon ee uu Maraykanka ka wado Soomaaliya, ayaa lagu daabacay caddeymo badan oo ka dhan ah sheegashooyinka soo laalaabtay ee uu taliska AFRICOM ilaa xilligaasi ku sheegi jiray in weerarradiisa Soomaaliya aanay ka dhalan “wax khasaara ah oo soo gaaray rayidka.” Laba todobaad kadibna, 5-tii Abriil taliska AFRICOM ayaa qiray inuu markii ugu horreeysay dad rayid ah ku waxyeelleeyay Soomaaliya, isagoo sheegay in hawsha ay qabatay Amnesty International ay ku dhalisay inuu dib-u-eegis ku sameeyo xogta weerarradiisa. Lix bilood kadibna, talisku ma aanu soo bandhigin macluumaad ku aaddan halka ay marayso dib-u-eegistaasi.

Duqeymaha uu Maraykanku ka fuliyo Soomaaliya ayaa sare u kacay horraantii 2017, kadib markii uu madaxweyne Trump saxiixay amar madaxweyne oo uu ku shaaciyay in koonfurta dalka ay tahay “deegaan ay colaadi ka taagan tahay”. Wixii markaa ka dambeeyayna, taliska AFRICOM waxa uu adeegsaday diyaaradaha bilaa duuliyaha ah iyo kuwa uu duuliyaha saaran yahay kuwaasoo ugu yaraan 131 duqeyn ka fuliyay gudaha Soomaaliya.

Weerarka ka dhacay Cabdow Dibile ayaa kamid ah 50 duqeyn oo uu milateriga Maraykanka qirtay inuu ka fuliyay Soomaaliya sanadkan oo keliya (ilaa bartamaha Sebtembar). Duqeymahan ayaa ka badan guud ahaan kuwii dhacay sanadkii 2018 oo ahaa 47, iyo sagaalkii bilood ee ugu dambeeyay 2017 oo ahaa 34 duqeyn.

“Waa arrin kale oo cadaallad darro weyn ah – saddex nin oo rayid ah ayaa si xanuun badan u dhintay, iyadoo qoysaskooduna isweydiinayaan sababta uu milateriga Maraykanka u beegsaday oo uu dilay. Weerarkaasi waxa uu sidoo kale noqon karaa mid sharci darro ah, isla markaana su’aal gelin kata sida taliska AFRICOM uu ugu heellan yahay inuu fuliyo waajibaadka ka saaran sharciga caalamka,” ayuu yiri Brian Castner, oo ah lataliye sare oo Amnesty International u qaabilsan hubka iyo hawgallada milateri.

Waxa uu hadalkiisa raaciyay “Dowladda Maraykanka waa inay xaaqiijiso in baaritaan xooggan oo madax bannaan lagu sameeyo dhammaan eedeymaha lagu kalsoonaan karo ee ku aaddan khasaaraha soo gaara dadka rayidka ah, iyadoo lala xisaabtamayo kuwa mas’uulka ka ah, magdhawna la siinayo dhibbanayaasha iyo dadka ka badbaaday weerarradaasi. Waxa ay ku billaabi kartaa inay samayso hannaan ay Soomaalida si badqabta ugu sheegi karaan khasaaraha rayidka ka soo gaara hawlgallada milateriga Maraykanka.”

Isbaddalka uu Madaxweyne Trump ku sameeyay weerarradii Mareykanka ee Soomaalia

Al-Shabaab ayaa wali gacanta ku heysa qeybo ka mid ah koonfurta iyo bartaha Soomaalia

Taliska ciidamada Mareykanka ee Afrika ayaa muddooyinkii dambe sare u qaaday weerarrada xagga cirka ee ay ku bartilmaameedaadaan fariisimaha kooxda Al Shabaab ay ku leeyihiin Soomaaliya, inkastoo marar badan ay cabasho kasoo yeerto dad rayid ah oo si khaldan loo beegsaday.

Maamulka madaxweyne Donald Trump ayaa tan iyo markii uu xafiiska la wareegay xoojiyay weerarrada xagga cirka ah ee ay Mareykanka ka fuliyaan dalka Soomaaliya, waxaana la filayaa in sannadkan 2019-ka ay sare u sii kacaan.

La taliyaha dhinaca amaanka ee madaxweynaha Mareykanka John Bolton ayaa mar uu bishii Disembar jeedinayay khudbad ku saabsaneyd howlgalladooda ka dhanka ah kooxaha ay dagaalka kula jiraan ee ku sugan Afrika waxa uu yiri: “kooxaha argagixisada ah ee ka howl gala Afrika waxay si joogto ah u bartilmaameedsadaan muwaadiniinta Mareykanka ah iyo danaha dowladdeenna”.

Waxa uu si cad u sheegay ineysan marnaba khafiifin doonin dagaalka ay kula jiraan kooxaha mintidiinta ah, sida xarakada Al-Shabaab ee fadhigeedu yahay dalka Soomaaliya, oo xiriir toos ah la leh ururka Al-Qaacida.

Bishii Maarso ee sannadii 2017-kii ayey waaxda gaashaan dhigga Mareykanka ee Pentagon-ka ka heshay Aqalka Cad ansixin ku aaddan in la sii ballaariyo dagaalka ka dhanka ah kooxda xag jirka ah ee ku sugan waddanka ku yaalla geeska Afrika.

Ciidamada Mareykanka iyo kuwa dowladda Soomaaliya ayaa iska kaashaday weerarro ka dhan ah Al-Shabaab

Taliyeyaasha ayaan hadda u baahneyn iney fasax u raadsadaan duqeymaha waaweyn ee lala beegsado deegaannada ka tirsan gudaha Soomaaliya ee lagu tuhmo iney dagaallameyaasha Al-shabaab ku sugan yihiin ama dhaqdhaqaaqyo ka sameynayaan.

“Waxay arrintaas noo samaxeysaa in inaan meelaha qaar u weerarno hab ka fiican sidii hore” ayuu yiri Janaraal Thomas Walhauser oo ka tirsan taliska ciidamada Mareykanka ee qaaradda Afrika, oo marka magacooda la soo gaabiyo loo yaqaanno (Africom).

Ansixinta Aqalka Cad ayaa sii kordhisay duqeymaha loo adeegsado diyaaradaha, iyo sidoo kale in markii ugu horreysay ciidamo dhinaca dhulka ah la geeyo Soomaaliya tan iyo sannadkii 1993-kii.

Ciidanka Mareykanka ee Soomaaliya la geeyay ayaa dhinaca la talinta ka caawinaya ciidanka dowladda Soomaaliya.

Africom ayaa sannadkii 2018-kii oo kaliya Soomaaliya ka fulisay 46 weerar oo xagga cirka ah, kuwaasoo la xaqiijiyay, halka sannadkii 2017-kiina ay diyaaradaha dagaalka ee Mareykanka Soomaaliya ka fuliyeen 38 weerar, sida laga soo xigtay ururka baaritaanka saxaafadda ee (BIJ).

Xigasho:BBCSomali