Madaxweyne Farmaajo oo dib dalka ugu soo laabtay

Madaxweynaha dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa goor dhow dib ugu soo laabtay Muqdisho, kaddib markii uu todobaad ka hor socdaal ku tagay dalka Mareykanka, halkaasoo uga qeyb galay Kulanka 74aad ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobey ee ka dhacay New York.

Soo laabashada Madaxweynaha ee Muqdisho ayaa ku soo aaday, iyadoo magaalada ka socdaan kulamo iyo abaabul siyaasadeed oo ka dhashay xayiraadii todobaadkii hore lagu sameeyay Madaxweynihii Sheekh Shariif oo ku sii jeeday Kismaayo, iyadoo wixii markaas ka dambeeyay ay dowladda Soomaaliya soo rogtay xanibaad dhanka diyaaradaha aada Kismaayo.

Abdixaziz Golfyare