Kulan wadahadal oo dhax maray saddax madaxweynayaal hore

Kulan waqti dheer qaatay ayaa Muqdisho ku dhex maray Madaxweynayaashi hore ee Soomaaliya, kulanka ayaa wuxuu ka dhacay hoyga Madaxweyne Cali Mahdi.

Ilo ku dhow dhow kulankan ayaa ii sheegay in looga hadlayay xaaladaha amni iyo siyaasad ee dalka, iyaga oo muujiyay walaac ay ka qabaan sida ay wax u socdaan iyo waxa ka dhalan kara xaaladaha cakiran ee dalka ka jira, si loo ilaaliyo dowladnimada Soomaaliya, waxey is tuseen xaaladaha iyo caqabadaha jira, lagama maarmaannimada in la helo degenaansho siyaasadeed.

Sidoo kale waxaa ay ka wada hadleen xaaladaha isu socod iyo jidgooyinka shacabka Muqdisho iyo sidii ay matalaad ku heli lahaayeen ayaa ka mid ahaa qodobada ay ka wada hadleen hoggaamiyayaashi hore.

XOG:-Maxay kawada hadleen Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariir,Xasan Sheekh iyo Cali Mahdi o maanta ku Kulmay guriga Cali Mahad ee Muqdisho ?https://youtu.be/iShy6N71PGU

Posted by Dalsan TV on Sunday, September 29, 2019