Dowladda Soomaaliya oo ka hadashay Weerarkii Shabaab ay ku qaadeen Bali-Doogle

Taliska Ciidammada Xoogga Dalka ayaa xaqiijiyay in ciidanka xoogga iyo Saaxiibbada Mareykanka ee taageera ay iska caabiyeen weerar gawaari loo adeegsaday oo al-shabaab ku qaadeen Saldhigga Balli-doogle ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Inkastoo Alshabaab xoog badan galiyeen weerarkan oo ay gawaari u adeegsadeen ayaa haddana ciidamada Xoogga dalka oo ka feejignaa waxay in ka yar 10-daqiiqo ku soo afjareen weerarka Shabaab,iyadoo aanu soo gaarin wax khasaare dhimasho ah.

Rasaas is-weydaarsi dhacay qaraxyada ka dib waxaa lagu dilay dhammaan shabaabkii weerarka soo qaaday.

Al-Shabaab ayaa weerarradan naf la caariga ah uga gol leh inay ku carqaladeeyaan howlgallada Ciidanka Xoogga Dalku uga sifeynayaan Shabaab goobaha ay ka joogaan dalka kaas oo si weyn loogu wiiqay Al-Shabaab.