Ciidamo Talyaani ah oo Qarax lagula eegtay Magaalada Muqdisho iyo Khasaaro ka Dhashay.

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxay qarax barqanimadii Maanta ka dhacay inta u dhexeeysa Kulyada Jeelle Siyaad iyo Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya gaar ahaan Suuq lagu iibiyo xoolaha oo ku yaalla meel aan sidaas uga fogeyn Kulyada.

Qaraxaas ayaa waxaa lala eegtay Kolonyo ay la socdeen Ciidamo Talyaani xili ay socdaal ku marayeen Suuq lagu iibiyo Ariga,isla markaana waxaa Ciidanka ay wateen saddex gaadiid oo nooca dagaalka ah.

Qof kamid ah dadkii goobjooga ahaan xiliga uu qarax ka dhacayay oo la hadlay Idaacada Dalsan ee Muqdisho ayaa u sheegay in qaraxaa uu ka dhashay Khasaaro soo gaaray dad shacab,isla markaana uu arkay Saddex ruux oo qaba dhaawacyo kala duwan,kuwaasi oo loo qaaday mid kamid ah Goobaha Caafimaad ee ku yaalla Muqdisho.

Sidoo kale Qofka naga hadlay ayaa waxa uu sheegay in qaraxa uu haleelay mid kamid ah gaadiidkii ay la socdeen Ciidanka Talyaaniga,hayeeshee uusan cadeyn karin Khasaaraha gaaray Ciidankii saarnaa gaarigaas.

Intaasi kadib ayaa goobta waxaa gaaray Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Soomaaliya,iyagoo xiray aaga Kulyada Jeelle Siyaad,isla markaana ka sameeyay baaritaano ku aadan qaraxa,waxaana hakad galay isugu socodka gaadiidka iyo dadka,balse markii dambe uu dib u soo laabtay.