Akhyaareey ha Dhihina 1991-kii ayaa Dib Loogu Noqonayaa!!!

Sharaf, Qadarin & Maamuus gaar ah ayay ummadda Soomaaliyeed idiin haysaa, lama inkiri karo waqtigii adkaa ee aad wadanka soo hogaamiseen, illoobi-meyso taariikhda sidii wanaaga & Dimoqoraadiyadda laheyd ee aad xukunka u wareejiseen, abaal aan marnaba gureyn ayaa la idiin hayaa, ammaan iyo tixgalin qaas ah ayaad ku leedihiin shacbigiina!!

La yaab ma leh aragtida siyaasadda waa lagu kala ra’yi duwannaan karaa, is qabad, is riix-riix iyo in la is jalaafeeyo waa dhaqan lagu yaqaano siyaasiyiinta, khilaaf siyaasddeed mar walba waa dhacayaa inta lagu guda jiro xeyndaabka siyaasadda, xaqiiqdii waa dhab inay jiraan arimo dhawr ah oo aan isku aragti laga aheyn.

Kala aragti duwanaanshaha xilligaan la dareemayo ayaa ka dhashay arimo la xiriira Doorashooyinkii Jubbaland, xayiraad dhawaan la saarey diyaaridihii tagi jirey magaalada Kismaanyo ayaa saameeyay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shiikh Shariif, khaylo dhaan xoog leh ayaa dhacdadaasi ka dhalatay.

Kulan aan horey loo shaacin hase yeeshee la xiriiro arintaas iyo ka hadalka xaaladda guud ee wadanka ayaa xalay ka dhacay magaalada Muqdisho, kulankaasi oo macnayaal badan loo yeelay ayaa waxaa yeeshay seddex ka mid ah Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya, shirkaas ayaa si weyn u qabsadey baraha ay bulshadu ku wada xiriirto ee loo yaqaano Social Media-ha.

Aragtiyo kala duwan ayaa laga bixiyay is- aragga akhyaartaasi, inkastoo aan faah-faahin badan laga helin shirkaasi ayaa haddana hadalo kooban oo lagu baahiyay barta Xisbiga Himilo Qaran ee Madaxweyne Shiikh Shariif waxaa lagu sheegay inuu kulankaasi ku saabsanaa sidii looga wada arinsan lahaa xaaladda guud ee Dalku marayo!

Ma xuma in la shiro laakiin waxaa haboon in mar walba loo turo shacbiga Soomaaliyeed, dareen ayuu dadka qaarkiis ku beeray kulanka odayaasha is arkay hase yeeshee waxaa arinta qaboojiyay warkii lagu shaaciyay Facebook-ga Himilo Qaran oo si xilkasnimo ah u dhigay arintaasi.

Madaxweynayaasha kulmay waa masuuliyiin taariikh fiican ku leh Soomaaliya iyo caalamkaba, hubaashii waa Odoyaal ka dharegsan wixii la soo marey iyo halkii laga keenay Dawladdnimada Soomaaliya, ma filayo inay ka horseed ka noqonayaan dhibaato cusub.

War-xumo tashiil badan ayaa soconayo, caqligu ha shaqeeyo, khilaaf siyaasaddeed waa dhacaa waana laga gudbaa, nasiib wanaag maalmo ka hor sida ay xaaladdu aheyd maanta waa ay ka degan tahay, haboonaan lahaydaa in la is tixgaliyo, la isu tanasulo isla markaana loo naxo shacbiga Soomaaliyeed oo ka soo daalay is jiid-jiidka siyaasiyiintooda.

Nabad ayaa dadka oo dhan deeqda, fadlan khilaaf ha looga dheeraado sidii Dhul gariir wax halaagayo oo kale, yaan la fududaanin, Degannaan ayuu dalku u baahan yahay, akhyaareey dhib intii hore ha inoo ahaado, Shacbiga ma qabatee yaan la dhihin 1991-kii ayaa dib loogu laabanayaa!

WD:C/Laahi Shiikhaalow