Taliyihii ugu sarreeyay Ilaalada Boqor Salmaan Bin C/Casiis Aala Sacuud oo xalay lagu dilay Magaalada Jiddah

Warbaahinta dalka Sacuudiga ayaa waxaa ay baahisay in Taliyihii ugu sarreeyay Ilaalada Boqor Salmaan Bin Cabdicasiis Aala Sacuud xalay lagu dilay Magaalada Jiddah ee Sacuudi Carabiya.

Taliyaha la dilay oo lagu magacaabi jiray General Abdul Aziz al-Faghm ayaa waxaa toogtay Nin ay saaxibo ahaayeen, kadib markii uu muran soo kala dhexgalay.

Wararka ayaa intaasi waxaa ay ku darayaan in toogashada ay ka dhacday mel ku dhow Masjidka weyn ee Magaalada Barakaysan ee Maka Al-Mukarama,isla markaana waxaa isna la toogtay gacan ku dhiiglihii dilka geystay oo doonayay inuu baxsado.

Sidoo kale General Abdul Aziz al-Faghm ayaa marka hore dhaawac ahaa loo geeyay Isbitaal ku yaalla Magaalada Jiddah ee Sacuudi Carabiya ,hayeeshee markii dambe halkaas uu ku geeriyooday.

Dhanka kale  General-ka la dilay ayaa horey u soo noqday Taliyaha ilaalada qaaska ah Boqorkii hore ee Sacuudiga ee Geeriyooday Cabdalla Bina Cabdicasiis Aala Sacuud.