Maxaan ku soo arkay Garowe?.

Magaalada Garowe Waa caasimadda Gobalka Nugal iyo Punt land waxa ey ka kooban tahay Xaafado badan sida: Hantiwadaag, Waaberi, Wadajir, Hodon, 1da Agust, Israac, Qaxootiga, Saxansaxo, Mire aware, Jilib iyo kuwa kale. Magaalada Garowe waxa ey ku taal bartamaha Punt land, waxaana ku nool qiyaastii 250.000 Qof.

Punt land waxa ey xad la leedahay Gobllada somalida ka sokow wadanka Ethiopia, Badweynta Hindiya iyo Badda Cas, Buuraha punt land dhererkuudu waxa 1,650-3,300 Feet oo ah Joog Badda ka sareeya, waxa ey maamul Gobaleed Noqotay,1dii august 1998.

Dhismaha:

Magaalada oo Aslkeedii aheyd Dhul Beereed iyo Xoolo dhaqato. Hadda waa Magaalda ugu korista badan Somalia aadna u ballaratay, 7dii Sanno ee la soo dhaafay waa Labo jibaarantay, waxa eyna leedahay Wadooyin cusub oo Laami Casriya ah iyo kuwa kale oo dhismo ku socoto.

Hayadda dhul bixinta ayaa si naqshadeysan dhul u siiso dadka, hayadaha Ajnabiga ah sida kuwa UN waxaa badnaa la siiyaa dhul, si ey u dhistaan, intii mid hore u dhisnaa ey degi lahaayeen, si ey u kobacdo Magaaladu. Guud ahaan waxaa ka muuqda Magaalada Nadaafad, wanaa sababta xaafado gaar u ah loo siiyay Barakacayaasha si eynana quruxda Magaalada iyo Nadaagadda u saameeyn. Qaxootiga & Barakacayaasha ayaa loo ogolaaday in Guryo gaar u ah, ey dhisan karaan iyo xarumo ganacsi, waxaana lagu caawiyay in Guryo u gaar ah loo dhiso, sida Xaafadda Washington ee Qaxootiga & Barakacayaasha . Qaxootiga iyo Barakacayaashu ma ahan Somali oo kaliya ee waxaa la dejiyay Magaalada Qaxooti aan Somali aheyn, xaafadahoodana naqshad ayaa loogu sameeyay.

Waxaa jira Magaalooyin caalamka kale ah oo dowlada hoose ee Garowe ey la mataanwday, waxaana jira Goobo Dalxiis iyo kuwa Taariikhi ah oo Magaalada ka baxsan, waxaa intaa sii dheer Punt land TV iyo idaacado badan.

Magaaladu waxa ey leedahay Hotelo badan, oo Madaxdu isagu timaad, fadhi ku dirardu ma ahan darbiyada ee waa Hoteelada, Dadku waxa ey u labistaan si heer sare ah, dukaamada waxaa yaal badeeco u dhiganta tii tiil dukaamada Dubai, suuqyada Ganacsigana waxaa ka muuqato in la habeeynayo.

Inta badan Hotelada waxaa lagu qabtaa shirarka, shirarka waxaa lagu furaa Aayadaha Qur’aan ah, laakin laguma khatimo Aayadaha Qur’aanka sidaa aan dareemay mudadii aan joogay. Hoteeladu waxa ey leeyihiin Cunto aad u wanaagsan, Saddaxda waqkhti waxaa laguu keenayaa Saddax nuuc oo hilib ah, mid Xoolaad, kaluun iyo Digaag, khudaartuna waa joogto, gaar ahaan Qaraha, oo xatta habeenkii lagu casheeyo.

Dhinaca kale, waxaan booqday, Hotel Marti soor oo dhismahiisu socday eyna wax ka dhisayeen shaqaale Somali iyo Ajnabi isagu jiro, Hotelka oo laga dhisayay meel joog sare ah oo aad ka daawan kartid Magaalada oo dhan. Hoteelkaa oo dhismahiisa ey ku bexeyso dhowr Milyan oo Dollar, waxa saami ku leh Dad soomali ah oo aan aheyn Reer Punt land.

Waxbarashada:

Waxaad dareemee in dhinaca aqoonta aad loo horuumariyay, illaa 30 dugsi hoose/dhexe ayaa ku taal Magaalada Garowe oo kaliya sida: Al xikma, Mayle, Waberi, Darwish iyo kuwa kale. Dugsiyda Sare waxaa ka mid ah: Alwaha, Gambol, Nawawi, Nugal.

Intaa waxaa u sii dheer Jaamacado badan sida: Punt land state university (PSU), waxa eyna xiriir la leedahay Jaamacado iyo Ururo caalamiya. Ardaydu marka ey wax barashada dhameeystaan waxa ey wax barasho kale u sii aaadaan Badanaa Wadamada Hindia, Pakistan, Ethiopia iyo meela kale. Laakin waxa ey dhibaato shaqa la’aan ah kala kulmaan suuqa shaqada marka ey dib u soo noqdaan.

Magaalada waxaa jooga dhalin yaro aad u firfircoon, Gabdhaha iyo wiilasha biseylkooda waxaad ka dareemee marka ey shirarka ka hadlayaan iyo sida ey wax u cabirayaan.

Wada noolaashaha.

Garoonka Dayaaradaha ayaad ka dareemee soo dhaweeynta ugu horeyso. Qofna looma arakayo soo galooti ama Dad Goballo kale ka yimid, waa dhici kartaa in qof uu mid kale ku kaliyeeysto goob gooniya uuna kula kaco fal dambiyeed.

Maal gashigu waa xur haddii aad shuruudaha soo buuxiso, sida kuwo aan la kulmay oo aan aheyn Reer Punt land oo Warshado cabitaan iyo Xarumo waaweyn oo ganacsi ku leh Magaalada, waxa eyna igu yiraahdeen dhulaa lagu siinaa waana laguu fududeynaa howlahaaga Ganacsi. Ma jirto dhalinyaro iyo waayeel qof colaad ama waji kaduud kuu muujinayo. Amaankana saacad kasta ayaad socon kartaa habeen iyo maalin, mana jirto meel xiran.

Hayadaha Ajnabiga ah intii aan ka arkay laguma khasbo in ey shaqaaleysiiyaan Dadka deegaanka oo kaliya. Waxaa ka jiro deegaanka Kala dambeeyn, Duubabka dhaqanka ayaa leh door muhim ah, noloshu ma ahan mid aad qaali u ah.

Waxaa kale oo joogo Magaalada Qurba joog soo noqotay, laakin ma ahan kuwo u yimid Qaraaba salaam iyo Nasasho ,waa kuwa ey la socdaan Xaasaskoodii iyo Caruurtoodii oo deegaan ka sameeysanayo.

Siyaasadda :

Guud ahaan Reer Punt land waa Dad Siyaasadda daneeyo, Odayaashuna badanaa waa xil jecel yihiin, waxa eyna u badan yihiin dad hore xilal u soo qabtay, kamana muuqato badankoodu in ey rabaan in Dhalinyarada Magaalada ey fursad Siyaasadeed siiyaan.
Doorashooyinka madaxtinimada, sida soomaliya oo dhan Lacag bixintu Door ayeey ku leedahay, laakin ma ahan sida Goballada kale ee Dalka. Saameeynta siyaasadeed iyo Faragalinta dibadda uga timaad waqtiyada doorashada wey ka hortagaan inta badan.

Odayaashu badana waa dad jecel midnimada Somalida, laakin xaqooda aan ka tanasuleyn, Kana fekeraya haddii ey xumaato Dowladnimadu sideen u noolaanaa inta laga helayo Somali mid ah, odayaashuna badanaa dhaxdooda isma dhaliilaan.

Guud ahaan Ma jiraan xadgudubyo Gudaha ah oo ey Dowlada punt land abaabusho. Maamulka waxa u badan Dadka deegaanka in ka badan 95% Xildhibaanadu ma ahan Diaspora, Diasporaduna cuqdo kama qabto, ee qorax joog ayeey u daayeen, iyaguna meela kale ayey shaqo u doonteen.

Culeyska ku imaan karo Punt land

Colladaha Deegaanada Deriskaa oo ku soo fido. Tartanka wadamada & shirkadaha Ajnabiga ah. Shaqa la’aanta dhalinyarada oo sii badato. Soo celinta Qarannimo Somaliyeed oo daahdo. Cadaalad daro ka dhacdo dhaxdooda. Bacaha Caaga ah ee ku sii badanayo oo dhirtiina qaar daboolay.

Alla ha ka badbaadiyo.

FG: Iga raali ahaaw waxa ey aheyd markii iigu horeysay oo aan tago Garowe waxaana joogay 3 cisho oo kaliya, weliba firaaqadeeydu waa yareeyd.

Horuumarka ey gaareen waa mid Adiguba aad ku faani karto, dhibaato gaartana waa mid Adiga ku taabanee.Wanaag u rajeey walaalahaaga Somaaliyeed ee Reer Punt land.

Wixii aan ka khalday ka sax, wixii iga dhimanna ku dar. Mahadsanid

Qore: Yahya Amir