Xadaynta Badda, Diblomasiyada, iyo Mowqifka DFS

Qosolka oo Been iyo Run Noqon kara

Waxaan mardhow dhagaystay labadii qudbadood ee MWyasha Farmajo iyo Kenyatta ka jeediyeen Shirka sanadlaha ah ee Qaramada middobay.

Hadalkooda intaanan faalo gaaban ka bixin bal aan is yar dul taago kulankii hordhaca ahaa ee MW Sisiga Masar isugu kaanay labada mas’uul.

Sawinkan labada mas’uul xabadka isku saareen wax badan mahan aan ka ahayn dhaqanka dibloomaasiyada. Sideedaba sida jidhku ugu baahan yahay cunada ayey dibloomaasinimadu ugu baahantahay Suuranyntu iyo salaanta sarbeebta aan waji fauran dhaafsanayn (As food is critical to our body so is diplomatic necessities to politics). Sidaas darteed qosoloda iyo ilko cadaynta sawirada ka muuqdaa yan gar mug leh la siin.

Qudbadii Kenyata waxa muhiim ka haa laba qodob: kow, in Soomaliaya iyo Kenya ay dacwadi dhxtaal balse hada ay gacanta ku hayso maxkamada caalamiga ah ee ICJ. Labo: in Kenya ay ka codsatay Midowga Afrika in uu arinkan dhexdhexaadiyo.

Qudbadii Farmaajo: In Soomaaliya iyo walaalaha Kenya ay isku afgarteen in xidhiidhka walaatinimo ay wanaajiyaan. Laba: in MW Sisi oo labada madaxweyne isu keenay oo looga dan lahaa in Midowga Afrika arintan dhexdhexaadiyo (Soomaliya marabto dhexdhexaadin Midowga Afrika). Sadex: in MW Farmajo rabitaanikiisu yahay in arinta xadaynta bada loo daayo Maxkamada Aduunka (ICJ).

Tifatir

Dhacwada waxa loo qabtay in la go’aamiyo bisha November 3, 2019. Hadeer ka hor Keyna ayaa codsatay in dib loo dhigo furitaanka dacwada. Waxa hadeerna dhici karta in mar labaad Kenya codsato dib u dihig.

Su’aashu waxay tahay, hadii Kenya sidaas codsato, Soomaaliya ma diidi doontaa. Sida qaalibka ah dibu dhig (Extension) dhowr jeer sharcigu waa ogolyahay hadaanay maxkamadu u arag caga jiid wakhti lumis ah.

Waxa dhici karta in ay Kenya maxkamada horgeyso in dadaal dheeri ah laga wado Midowga Afrika si go’aan macquul ah looga gaadho arintan.

Maxkamaduna way xurmayn kartaa arintaas hadii aanay Soomaaliya keenin dood adag iyo cadayn in Kenya ula dan leedahay cago jiidh. Una malayn maayo in Soomaaliya ku adkaysan doonto diidmada dib u dhiga. Sababtu waxay tahay (1) qareenadu iyo cida ay wakiilaan waa loo oglyahay sida qaalibka ah dub u dhig hadii ay wax masuul ah keena, iyo (2) Soomaaliya oon inaba rabin danina aanay ugu jirin xaga dibloomaasiyada in ay gar ka diido Midowga Afrika. Sidaas darteed, waa sutra gal dhib u dhig dambe. Sideedbana dib u dhigstu waxyeelo iyo waxta midna kuma keento nuxurka kiosks markaa gacanta lagu hayo. Waa arin nidaam ama procedural ah.

Maxaa dhici kara? Dhowr arimood ayaa dhici kara. Kow in Soomaaliya dib u dhiga maxkamada, iyadoo kiisku weli yaalo, ay waxyaabo kaga raadiso Kenya sida mukhalasnimo ku aadan arimaha Jubaland. Bi macni in Soomaaliya Kenya u dabacdo si ay cidhiidhi u galiso Jubaland.

Laakiin hadii arintaasi timaado, Farmajo waxa uu u ekaan doonaa nin dilaal ah oo Kenaya wax ka ogol rabitaankiisa koowaadina yahay ka adkaanshaha Jubaland iyo Axmed Islam. Arintaas si maldahan ayuu carbka ugu dhuftay MW Farmajo mar uu dawlad dhiska iyo arimaha Dawlad gobaleedyada soo hadal qaaday. Arintaasi uma roona Farmajo. Waxa dents casmka ihi ku jirtaa in uu ku adkaysto mawqifka ah waxa ay Soomaaliya marnaba ka weecanahayn ICJ in ay goaamiso.

Maxaa talo ah?

1. Waa in umada Soomaaliyeed u ogolaataa MW Farmajo firaaqooyin uu kula xaajoon karo Kenya waxyaabo qaarkoodna loo footiyaa (Give him enough space to effectivelly negotiate with Kenya, including extension of the court timeline, and normalizing relations with Kenya). Hase yeeshee isu soo dhowaanshaha Kenya inaba in loo isticmaalo cunaqabatayno intan ka weyn oo ku wajahan Jubaland waxay dhali doontaa in Farmaajo loo arko Madexweyne ficilkiisu aanu dhaafsanay dakane.

2. In Soomaalidu u diyaar garowdo in dacwadu labada dhinacba mid raaci karto. Hadii Soomaaliya guulaysato waa in mahadnaqa la siiyaa (1) Dawladii Xassan Sh. Maxamuud oo arinkan bilowday, iyo (2 ) Dawlada Farmaajo oo mitiid xad dhaaf ah ka muu jisay arintan.

3. Hadii maxkamadu dhinaca Kenya u xagliso, waa in aan MW Farmajo loo aanayn maadaama go’aankan in ICJ gaadho qaranka oo dhani isku waa faqsanaayeen.

Gabogaba ahaan, arinta badda Soomaaliya iyo Kenya (1) waa arin u taal dalwlada dhexe waana u jeedaan in loogawada dambeeyo; (2) Dawlad goboleed weli dawlada dhaxe arintan u daba martay ma jirto; iyo (3) waa in laga digtoonaadaa in Villa Soomaaliya ay inaba siyaasadayso arintan oo ah arin qarameed.

Faisal Roble