War sharcigaa haddaan lagu dhaqmeyn yaan la saxiixin waa iga Tallo)=Nasashada Jimcaha.Q-167-aad=

1- Nin ayaa Gabar Saaxiibtiis ah ku yiri: korkaaga waan wada taabtay wax dareen ahna malihid ma xanuunsan tahay? waxa ey ku tiri: Meel kaliya ayaan wax ka dareemaa adna ma aadan taaban meeshaa .waxa uu ku yiri: waa xagee? Waxa ey ku tiri: waa calaancasha gacanta dhaxdeeda weliba marka uu Dollar iga taabto .

Waxa uu ugu tagay Gurigeeda markii uu Lacagtii gacanta u saaray ayeey ku tiri: Hadda sooma bixi karo, Hooyaa soo jeedo. Fiirii da’da Gabadha iyo Sawirka Sare ( F.S: 1aad)

( Meeqa Masuul ayaa Gacanta kaliya wax ka dareema?)

2-Saddax Nin oo Ruush ayaa ayaa lagu wada xiray Xabsi ku yaal Magaalada Mosko waqtigii shuuciyadda. Labo dhalin yaro ah iyo Nin oday ah. Labddii dhaliyaro ayaa is weeydiiyay : Adiga maxaa laguugu soo xiray?

1-Mid ayaa yiri: Ninkii Ruushka ahaa Mr. Barnajoof ee Dowlada taageeri jiray, horana u mariyay Hubka & Ciidamda Ruushka ee la wada jeclaa ayaan “dhaliilay”.

2- Kii kale ayuu ku yiri: Adigana maxaa laguugu soo xiray?. waxa uu yiri: Anna isla Ninkaa Mr. Barnajoof ayaan” Amaany”.

3-Waxa ey yiraahdeen bal aan weydiino Ninkaan odayga ahna waxa lagu soo xiray. Odaygii ayaa waxa uu yiri: Annigu waxaan ahay “Mr. Barnajoof laftiisii”. ( F.S: 2aad)

( Saddax Nin oo Somali ah ayaa iyaga oo Xabigii Liinta ku cabayo isku wareeystay:

1- Mid ayaa yiri: Anniga waxaa la igu soo xiray Fal Musuq maasuq ah ayaan ku kacay $ 100 ayaan xaday.

2- Kii kale ayaa yiri: Anna Nin masuul ah oo Fal musuq ah ku kacay xadayna $5.000.000 ayaa ku dhaliilay falkaa musuqa ah.

3-Kii kale ayaa yiri: Anna waxaan ahay Sharcigii la dagaalanka Musuqa ee mar dhaw la saxiixay.

(War sharcigaa haddaan lagu dhaqmeyn yaan la saxiixin waa iga Tallo)

3-Suldaan Axmed wardheere Xeyle, ayaa marka uu miyaga ka yimaad ee uu Mogadishu yimaad waxaa caado u aheyd isaga oo dhar cad cad iyo seef wato oo dul saaranna Faras cad in uu tago Xarunta Gobalka Banadir ee “ Officio Governo”. Nin Saaxiibkii ah oo Xajka u sucday ayaa ka hor yimid, oo ku yiri: Suldaanoow, da’na waa tahay,Hantina waad heeysataa ee maad Xajka aadid?.

Suldaan Axmed ayaa ku yiri: Waa runtaa, Xajku waa meel fiican, oo barakeeysan, dambigana lagu cafiyo, laakin ma ahan meel Doqonta laga celiyo oo Dadkii ayaa loo wada fasaxay. ( F.S: 3aad)

( Nin ayaa Saaxiibkii ku yiri: waxaad tahay Aqoon yahan, maad noqotid Xildhibaan ama aad Dowladda u shaqeeysid? Waxa uu ku yiri: Xildhibaaninimo waa masuuliyad muhim ah, in Dowladda lala shaqeeyna waa waajib, laakin, Doqon iyo Tuug oo dhan, ayaa inta badan kugu soo dhaweynaya Xafiisyada)

4- Nin Xaasle ah ayaa Saaxiibkii oo Doob ah gurigiisa keenay, duhurkii markii ey shaqada ka soo wada bexeen iyaga oo aad u daalan. Xaaskiisii ayaa bilaawday in ey ku qeyliso Ninkeedii, saaxiibkiina wuu maqlayay.

Waxa ey ku tiri: Weli Timaheeyga iyo Make up kii ma sameysan , Gurigu waa isku qasnayhay, Macuuntii aan ku casheeynay weli ma dhaqin, weli dharkii aan ku seexday iskama bedelin , Qadadii weli diyaar ma ahan ee sug, Maxaadse Saaxiibkaa u soo lug gooysay?

Ninkii ayaa ku yiri: Saaxiibkey waxa uu rabaa in uu guursado, waxaana u ballan qaaday in aan talo siiyo, inta uunan guursan.( F.S: 4aad)

5-Oday ayaa guriga waxaa u joogay Faras uu Beerta ku fasho iyo Wan, waxaa xanuunsaday Faraskii, dhakhtarkii Xanaanada Xoolaha ayuu ugu yeeray,oo ku yiri: Hadduuna Saddax Cisho ku bogsoon oo uu ku istaagi waayo iska dil, waxa uu qabaa cudur halis ah.

Wankii oo maqlayay ayaa maalintii 1aad Faraskii ku yiri: war istaag, Faraskii waa ka cusleeystay. Maalintii 2aad ayaa Wankii oo aad u murugeeysan ku yiri: Saaxiiboow xaalku ma fiicno ee istaag, haddana Faraskii waa ka cusleystay. Maalintii 3aad ayuu ku yiri: War maanta waa kama dambeys, annigaa garabka kaa qabanayo ee istaag. Faraskiina waa istaagay.

Ninkii Faraska lahaa ayaa yimid: aad ayuu ugu farxay in Faraskiisii istaagay, waxa uu yiri: Maanta Faraskii waa ii bogsaday, Ducaa igu waajibtay, waa in aan Culumo u yeero aan wankaan u qalaa maanta. wankii Naxtin. ( F.S: 5aad)

(Weli tanoo kale ma kugu dhacday?)

6- Nin ayaa Xaaskiisu eyna weligeed wax dhalin, ayaa markii u horeeysay waxa ey dhashay Labo Wiil oo mataano ah oo aad isagu eg. Nasiib daro Labada Wiil mid ayaan hadli Karin.

Lix sanno kadib ayaa daawo loogu qaaday Turkiga, kadib markii muddo dheer ey u shaqeeynayeen si ey u helaan Lacag lagu daaweeyo. Hooyadii ayaa Ninkeedii ku tiri: Midka xanuunsan ayaan qaadayaa ee Adiguna kan kale Dalka ku sii haay.

Maalintii dambe iyada oo u soo waddo Wiilkii “Istanbuul Hospital” ayaa waxaa kubbad ey ku ciyaarayeen ku dhuftay ciyaal Turki ah. Wiilkii, aad ayuu u xanuunsaday, mar kaliya ayuu Wiilkii ku qeeyliyay caruurtii Turkiga kuna yiri: (Nacalaa kugu taal, Doqonyohoow).

Hooyadii oo ku faraxsan in wiilkeedii hadlay Dhakhtarka ka hor, ayaa isla markiiba Telefon u soo dirtay Aabihii oo Dalka joogo, kuna tiri: Wiilkii wuu hadlay wuxuuna yiri: (Nacalaa kugu taal, Doqonyohoow). Ninkii oo careeysan ayaa ku yiri: Naa Adigaa Nacaladu kugu taal doqonyeheey, waxa aad waday waa wiilkii hadlayay, kii kalena waad ka tagatay. ( F.S: 6aad)

Qore: Yahya Amir