Hadal-jeedintii Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobay.

Xaqiiqdii madaxweyne Farmaajo qudbaddii uu kajeediyay UNka waxey ahayd mid aad u wanaagsan,wuxuu si cad usheegay in soohdinta aan isku haysanno Kenya laga warsugayo natiijada maxkamadda caalamiga ah ee Heeg.

Dhankale wuxuu sheegay madaxweynaha Masar uu kulansiiyay isaga iyo madaxweynaha Kenya iskuna raaceen in ay Isla wada qaadteen in lasoo caliyo xiriirka labada dal iyo in kiiska maxkamadda caalamiga ah laga wada warsugo.

Wuxuu kaloo xaqiijiyay kiiska doodda sohdinta badda ee lageeyay 2014kii Maxkamadda Caalamiga ah,iyaduna waxey muujinaysaa in madaxweyne farmaajo uu ka dhabeeyay dhameystirka dacwadda ay gudbisay dowladdii isaga kahorreeysay.

Waa waajib in aan si quman ugu taageerno waxyaabaha uu ku difaacayo qadiyadda barri iyo bad ee uu isaga hogaanka noogu yahay.

Mahadsanid Madaxweyne !
Soomaaliya Soomaali baa leh
Hassan Abdulkhader Mudey

Khudbadii Madaxweyne Farmaajo ka jeediyey Qaramada Midoobey.MadaxweynE Farmaajo ayaa Beesha Caalamka u Xaqiijiyay in…

Posted by Tiyaatar Pro on Thursday, September 26, 2019