INUU DALKA SOOMAALIYA NOQDO SIDA UU YAHAY MAANTA WAXAA MASUULIYAAS QAYB KA AH QALADKII SOOMAALILAND 1957

Odaaysha hogaaminaayay xisbigii Gobanimo doonka ee HDMS ( Hisbiya Dastuur Mustqbal Somalia), waxay Hargeeysa u direen wafdi ka wakiil ahaa xisbigaas, ula jeedadda socdaalkooda Waxay ahayd inay la kulmaan odayaasha dhaqanka siyaasiyiinta Somaliland 1957.

Wafdigii waxay u ban-dhigeen fikirkii loo soo dhiibay oo Ahaa In xisbiga HDMS uu doonaayay inuu maamulka dalka kagu saleeyo xukun wadaag ama federaal system, waxay odayaasha ka codsadeen inay diyaariyaan sharuudo ay ugu biiraan midnimadda dalka Soomaaliya, tasoo ahayd inay la yimaadaan qorsho balan qaadaayo nidaam caadil ah in dalka lagu dhaqo mustaqbalka.

Sababta wafdigaas loogu diray Somaliland Waxay ahayd cabsi laga qabay, hadeey timaado xukun dhexe ama central Government inuu maamulkaasi noqdo mid ku kooban gacmo kooban oo keeni doono burbur.

Waxay wafdigii ay kala kulmeen in lagu soo gacan seero oo wali loogu daray af-lagaado, tasoo ay iskaga soo laabteen Hargeeysa gacan maran.

Arintaas waxay dhashay maanta In xukunkii dalka oo dhan uu ku soo koobmo laba reer, ayaguna ay maanta diidan yihiin inay ka sii mid ahaadaan magacii Soomaalinimo. Dhibka ku dhacay Digilmirifle, beesha shanaad iyo Dir, waxaa hubaal inay qayb ka laahaayeen Somaliland.

Ayagana way qasaareen, dadkii kalena way qasaariyeen. Maanta hadii la wareeysto odayaasha Somaliland waxaa hubaal ah inay arinkaan runta ka sheegayaan oo ay qaadanayaan qaladkooda. Arintaan waa dhab oo leh tixraac qoran.

Wa bilaahi towfiiq

Sheekhnoor Qaassim.