Aqoonta Qaaqlayaasha!!!. (Fallo u baahan inaad aqriso)

Qaaliga Maxkamadda Gobalka ayaa la hor keenay Afar Eedeeysane oo ah Ciyaalka Qaaqlaha ee Baraha Bulshada &FaceBook-ga.

A) Midkii 1aad ayuu weeydiiyay Qaaligii: Maxaad u xirtay Ex- G/Sare Maxamud Cali. Eedeeysanihii ayaa ku jawaabay: Waxa uu Sirta Dalka u sheegayay Nin Ajnabi ah oo Farnsiisa, Afka faransiiska ayuuna kula hadlayay. waxa uu Qaaligii weydiiyay, Markhaati ma u heeysaa? Waxa uu yiri: Kaligeey ayaa ag taagnaa. Qaaligii ayaa weydiiyay: Adigu ma taqaan Afka faransiiska? Qaaqlihii ayaa ku jawaabay: Maya, ma aqaan.

B) Midkii 2aad: ayaa la horkeenay. Qaaligii ayaa weydiiyay. Maxaad u qarxisay Baabuurkii Professorka: Waxa uu yiri: Waa “Cilmaani”. Waxaa la yiri: Sideed ku ogaatay? Waxa uu yiri: Bartiisa FB –ga ee Nasashada Jimcaha iyo Qoraalkii Shidaalka ayaan ka ogaaday in uu Cilmaani yahay. Waxaa lagu yiri: Cimaani maxaa laga wadaa? Waxa uu yiri: Ma aqaan.

C) Midkii 3aad ayaa la weeydiiyay. Maxaad Dr. Daahir ugu dhaawacday, Gudaha Isbitaalka? Waxa uu yiri: Daawo khaldan ayuu u qoray Xaaskeeyga. Waxaa lagu yiri: Daawada ma kala taqaan. Waxa uu yiri: Maya, Annigu waxna ma Qoro mana Aqriyo.

D) Midkii 4aad ayaa la weeydiiyay. Maxaad ku soo dacweeysay Sheikh Osman?. Waxa uu yiri: Waa Qaran dumis, waxa uuna necebyahay Madaxda Dalka& Qurba joogta. waxaa la yiri: Sideed ku ogaatay?. waxa uu yiri: waxeyba ka muuqataa wajigiisa.

FG: wixii faahfaahin ah ka aqriso Duruusta Qaaqlayaasha ee Qiirada qafilan.( F.S: 1aad)

War ciyaalka wax hala baro yaan waqtiga laga dhumine- waa iga talo.

Qore: Yahya Amir