XAQIIQO IYO XAL RAADIS: SIYAASADDA LABADA BEELOOD IYO SOOMAALIYA:

Waxaan markale arkeeynaa gurbaankii qabiilka oo ay siyaasiyiin garaacayaan, runta waxay tahay nabada iyo qaranimadda dalka Soomaaliya waxaa hor istagan tartan siyaasadeed ee ka dhaxeeya siyaasiyiinta labada belood , tasoo caqabad ku noqotay jirintaankii dowladnimo ee dalka Soomaaliya.

Waxay siyaasiyiintaasi iska dhaadhiciyeen In masiirka dalka iyo go’aan ka gaaristiisa ay ayaga markastaa mudan yihiin, waayo iska dhaadhiciyeen inay ugu tiri badan yihiin dalka, tasoo aan cadayn loo haaynin iyo wax tix raac cilmiyeeysan ha ugu yaraatee tirakoobyo horey loo sameeyay oo arimahaan xoojinaysa.

Arintaasi waxaa ka dambeeyay oo Soomaaliya dhibkaan u geesytay lug- gooyo GUMEEYSIGII qoorsheeyay inuu hogaanka dalka ayaga uu hoos geeyay, tasoo dhaxal siisayna dhaqamo QABYAALADEED xoogan oo cudur ku ah dalka Soomaaliya oo dumineysana QARANIMO.

Arimahaan xanuunka badan ee ka jira dalka Soomaaliya mudo waxay sabab u noqdeen dhibaatada joogta ah iyo burburka qaranimadeena iyo faragelin ahanabi oo midkastaa dowlad kale u hoos geeynaayo masiirka dalka si uu midka kale uga guuleeysto.

Hadaba kuwa ku hoos dhibaateeysan Siyaasiyiintaas waa inaysan ka xishoonin oo ka dhuudhuuman runta, kuna buraarugaan khatartan uu dalkooda ku sugan yahay, oo ay isku abaabulaan IS BAHEYSIYO SIYAASADEED oo sal balaaran oo dhibtaan looga hor hor tago.

Hadii kale waxaa hubaal ah, oo wada arki karnaa in JIRITAAN QARANIMADA SOOMAALIYA mar dhaw la waayi doono hadii xaaladan maanta wadanku ku sugan yahay oo ay masuulka ka yihiin siyaasiyiinta labada belood ay nagusii daba dheeraato oo xal loo helin.

Waxaan kaloo idiin cadeeynaa in hadalkeeygu wax naceeb ah ku imaanin, kuna saleeysan yahay aragti xaqiiqo & xal raadis ah, dadka aan ka hadlaayo ma aha shacabka waa siyaasiyiin.

HADAAN WAX LAGA QABAN ILAA GOORMEE AY SOOMAALIYA KU JIRI KARTAA DHIBKAAN AY WADAAN RAGAAS SIYAASIYIINTA AH?

Wabilaahi towfiiqa

WD:C/Laahi Shiikhaalow