Madaxweyne Farmaajo, Isaias Afwerki iyo Abiy Ahmed oo Abaalmarin lagu Guduunsiiyay New York

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ku sugan magaalada New York ee dalka Mareykanka ayaa la guddoonsiiyay Abaalmarinta Sanadlaha ah ee Hoggaaminta Suubban ee Concardia.

Madaxweyne Farmaajo ayaa waxaa abaalmarintan la qeybsaday Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Mudane Abiy Axmed iyo Madaxweynaha Eriteriya Mudane Isaias Afwerki kaalintii ay saddexda hoggaamiye ka qaateen nabadaynta iyo is dhexgalka dhaqaale ee Geeska Afrika.

Abaalmarintan ayaa aheyd mid lagu dhiiro galinayay dadaaladii is dhaxgalka ahaa ee ka shaqeeyeen sadaxda Madaxweyne oo kulamo dhowr ah yeeshay sidoo kale heshiisyo kala duwan gaaray.