Lionel Messi oo loo doortay ciyaaryahanka sanadka ee FIFA best, kadib markii uu codeyn kaga adkaaday Ronaldo iyo Van Dirjk.

Macallimiinta iyo kabtannada xulalka adduunka oo ay wehliyaan codeyn dadweyne ayaa abaal-marintan u codeeyay.

Waa markii lixaad oo uu Messi abaal-martintaan ku guuleysto. Afar ka mid ah wuxuu ku guuleystay iyadoo ku lammaansan abaal-marinta ballon d’Or oo ay bixiso jariiradda Farance Football.

Abaal-marintan oo ay FIFA billowday 1991 waxaa 2010-kii lagu lammaaniyay ballon d’Or hase yeeshee 2016 ayaa mar kale FIFA u madax bannaanaatay iyadoo loo bixiyay magacaan FIFA BEST. 1991 ilaa 2009 waxaa loo yaqaanay FIFA WORLD PLAYER.

Ballon d’Or ayaa sanadkaan la bixin doonaa bisha December ee sanadkaan.

Ibrahim Geddow Awale