Hassan Sheikh iyo Sheikh Sharif maxaay ugu duwan yihiin Dr. Abdiqassim Salaad Hassan?

Mar haduu qofka noqdo Madaxwaynaha dalka, waxaa saaran waajibaad iyo door u gaar ah looga baahan yahay inuu ku dhaqmo, ka soo qaad Aden Cade, Abdiqaasim Salaad iyo Abdulaahi Yusuf iyo Dahir Riyaale oo aan marnaba ka qayb qaadanin is-kooxeeysi iyo political activism oo faraha uga qaaday xukuumadda markaas jirta inay hoowshweeda dastuuriga qabsato.

Arimaha hada ka taagan Jubaland waa mid u baahan nabadayn iyo xasilooni siyaasadeed, jidka kaliya ee u furan madaxdii hore ee dalka waa inuu qayb ka noqdaa nabada iyo xasiloonida gobolada ama faraha kala baxaan oo aysan dab iyo baandiin kusii shubin dhibka ka taagan Jubaland. marnaba ma aha inuu Madaxwayne hore uu qayb la safto, sida uu sharciga waafaqsan.

 

Soomaaliya ma joogto waqtigii dib loogu celin lahaa siyaasadahii hore loogu guul dareeystay, kuwaasoo ku saleeysnaa is kooxeeysi iyo ku tagrafalid maqaamka madaxwaynenino ee dalkeena, midaas oo soo hor jeedo xilkasnimadda, waxaan u mahad celinayaa Madaxwaynahii hore hada nool Dr. Abdiqasim Salaad Hassan oo muujiyay sharaf, xilkasnimo iyo ku dhaqanka nidaamka dowladnimo.

 

Waxaa kula talinayaa walaalaha xilka dalka hore u soo qabtay inay dhoowraan sharciga oo ay ku daysadaan habdhaqaneedka Dr. Abdi-Qassim Salaad Hassan.

 

Wa bilaahi towfiiq.

WD:C/Laahi Shiikhaalow