DR. ABDIQASSIM SALAAD HASSAN MUXUU UGA DUWAN YAHAY HASSAN SHEEKH IYO SHEEKKH SHARIF?

Mar haduu qofka noqdo Madaxwaynaha dalka, waxaa saaran waajibaad iyo door u gaar oo looga baahan yahay inuu ku dhaqmo, ka soo qaad Aden Cade, Abdiqaasim Salaad iyo Abdulaahi Yusuf iyo Dahir Riyaale oo aan marnaba ka qayb qaadanin is-kooxeeysi iyo political activism, ayagoo faraha uga qaaday xukuumadda markaasi jirto inay hoowshweeda dastuuriga qabsato.

Arimaha hada ka taagan Jubaland waa mid u baahan nabadayn iyo xasilooni siyaasadeed, jidka kaliya ee u furan madaxdii hore ee dalka waa inuu qayb ka noqdaa nabada iyo xasiloonida gobolada ama faraha kala baxaan oo aysan dab iyo baandiin kusii shubin dhibka ka taagan Jubaland. marnaba ma aha inuu Madaxwayne hore uu qayb la safto, sida uu sharciga waafaqsan yahay.

Soomaaliya ma joogto waqtigii dib loogu celin lahaa siyaasadahii hore loogu guul dareeystay, kuwaasoo ku saleeysnaa is kooxeeysi iyo ku tagrafalid maqaamka madaxwaynenino ee dalkeena, midaas oo soo hor jeedo xilkasnimadda, waxaan u mahad celinayaa Madaxwaynahii hore hada nool Dr. Abdiqasim Salaad Hassan oo muujiyay sharaf, xilkasnimo iyo ku dhaqanka nidaamka dowladnimo.

Waxaa kula talinayaa walaalaha xilka dalka hore u soo qabtay inay dhoowraan sharciga oo ay ku daysadaan hab-dhaqameedka Dr. Abdi-Qassim Salaad Hassan.

Wa bilaahi towfiiq

Sheikhnoor Abuukar Qaasim.