Dowlada oo lagu Qasbey in ay laba Qodob Axmed Madoobe u yeesho

Qodobka Koowaad Waxaa yaab leh in lacagtii Dhawaan ay Dowlada u Fasaxdey Maamul Goboleedyada waxaa ku jira oo qayb ka ah Maamulka Jubbaland ee uu Hogaamiyo Axmed Madoobe

Qodobka Labaad waxaa ka si yaab badan in Shirka 2-da Oktoobar ee ka dhacay Muqdisho lagu Casuumey Axmed Madoobe waxaana Shirkaas uu ka dhacayaa Deegaanka Xalaney waxaana ka soo qayb galaya beesha Caalamka

Iyadoo arrintaan ay jirto ayaa haddan Masuuliyiin ka tirsan Dowlada waxay sheegeen in beesha Caalamka ay Dowladda ku Qasbeen in sidaa la yeelo sidoo kale waxay Masuuliyiintaas Sheegeen in waxa ka socda Jubbaland ay tahay Loolan ku dhisan Qabiil marka ma garan karo Sabab maanta loo Cunaqabateeyo Magaalada Kismaayo

Wariye Amiin Yusuf Khasaaro