Sheekh Shariif. “Warkeyga waa cad yahay kama aqbali karno Farmaajo iyo Khayre inay bur buriyaan dalka..”

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed"Farmaajo isagoo suud iyo Boorso wata anaa Magacaabay"

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed"Farmaajo isagoo suud iyo Boorso wata anaa Magacaabay"

Posted by SBC Somali TV on Monday, September 23, 2019

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed oo shir jaraa’id ku qabtay hoygiisa ayaa si kulul uga hadlay dhacdadii shalay lagu xanibay diyaaraddii u qaadi laheyd Kismaayo.

Shiikh Shariif ayaa sheegay in xayiraadii la saaray aheyd mid dowladda ay ku qaldeyn,islamarkaana uu xur yahay meel walbana tagi karo.

Sidoo kale Shiikh Shariif ayaa sheegay in madaxda dalka haatan ka talisa ay yihiin kuwa burbur dalka u horseedaya balse taasi aysan ka aqbali doonin.

Sheekh Shariif ayaa ugu baaqay Shacabka Soomaaliyeed iyo Beesha Caalamka in loo baahan yahay in laga wada hadlo halka uu dalkaan ka socdo.

Waa kan:Hadalkii Shiikh Shariif oo qoraal ah.

“Waxaan rabaa inaana ugu yeero dadka soomaaliyeed iyo beesha caalamka waxaa loo baahan yahay in laga wada hadlo dalkaan meesha uu ku socdo, haddaan Al-Shabaab la dirireynin dalkaan meel qaldan ku socdaa dadka Soomaaliyed waxaa lagama marmaan ah inay isu yimaadaan inay tallo yeeshaan, aniga waxa igu dhacay waa wax fudud, waa wax aan ka tagi karo, wax ka weyn ayaa haleysan, waxaa arkaa dowladnimada Soomaaliyeed oo dhumeyso, si aysan taasi u dhicin dadka Soomaaliyeed iyo cid walba wax galka ah waxaa qabaa in loo istaago sidii qarankan loo badbaadin lahaa”.

“Cid walba oo wax gal ah waxaa qabaa in loo istaago Qarankan sidii loo badbaadin lahaa, maxaa yeelay sharci daradaan sida ay u socoto wax aan la maleeysaneyn ayaa dhici kara, dadkaan kuligood baasbaoor ayay heystaan berri waa baxayaan, meeshey rabaan ayay aadayaan, carruurtooda ayay aadayaan, dadka meel ay aadaan laheyn waa dadkaan waa dadkii loo soo shaqeeyay oo loo taagnaa danahooda in la fuliyo wax kale ma ahan warkeyga waa cad yahay dowladda waxay ku socotaa hannaan qaldan oo keenaya dowladda inay burburto kama aqbali karno Maxamed C/llaahi Farmaajo oo boorsadiisa iyo suudkiisa wato anana magacaabay, dalkaan wax ka galay oo kheyraad ah ma jiro, asaa ka faa’deystay, Xasan Cali Kheyre waa sidoo kale, anaga dalka waxbaa naga galay mana ogolin inuu burburo, dariiqa dowladda ku socoto waa qaldan tahay, waxaa leeyahay joogsada meesha aad joogtiin ma dhaafi kartid Soomaali ha isu timaado”