Ra’yi Qof: FOOWDADA A. MADOOBE WAXAAN U TAAGEEREEYNAA KU XUMEYNTA DOWLADA!!! By Abdi Boqor

Bal kawaran ragga dalka darajada ugu sareeysa ka gaaray, ee ummada u qabtay xilkii ugu sareeyey qaranka, ee ugu yaraan 4-Sano dalka soo hogaaminayey, ee meesheey mas’uuliyadii hore ay u soo qabteen, heeybadeeda, cisadeeda, karaamadeeda, sumcadeeda, qabkeeda, iyo maqaamkeedaba ilaalin lahaayeen, ummada Soomaaliyeed, ee ay madaxda usoo noqdeena ka xishoon lahaayeen, maanta nasiibdarro! iyagoo doowlada maanta jirta ku xumeeynaya, taageeraya, caleemo-saarkiisana ka qeeybgalaya, nin kaligiis is boqray, ee odayaashiii qaar ka mid ah maalin cad Kismaayo kasoo masaafuriyey, Kuwo dhalinyaro ah, oo uu isaga sameeystay odayaal beelo dhan uga dhigay, kadibna yiri, sadex qof iikeena, oo aan midkaan doono.

Sadexdaa kala baxoon xildhibaanouga dhigto, si uu aniga ii doorto,
Sidaana wax baarlamaan lagu sheegay ugasoo buuxiyay askartiisii, xaasaskii askartiisa eey ka dhinteen, shaqaalihii madaxtooyadiisa iyo aqalkiisa martida. Nadiibdaro! qaar kaloo odayaashii dhabta ahaana inuu khaarijiyey lagu eedeeynayo, sida Ugaaska beesha Jareer Weyne, iyo Ugaaskii beesha Gaaljecel. Musharixiin magac-uyaal ahna sameeystayoo, malxiisayaal u noqda, inbadanoo ka mid ahna iswada casileen, kadib markeey xoogaa ujileen sidii loogu talagalayba.

Bal ninka waxaas sameeyey, ee foowdadaa iyo boobkaa isku boqray, ragga dalkan Madaxweynayaal kasoo noqday, ee looga baahnaa ineey u dhaqmaan sidii odayaasha reerka, ee foowdo iyo wado aan saxsaneyn, in xukun lagu qabsado odayaal aan ogolaaneyn noqon lahaayeen, ayaa foowdadaa cad taageeraya, iyagoo waxkastee ku haboonaa iska illoobay, nadiibdarrana! waxkasta u sameeynaya, ku xumeynta doowlada maanta jirta. Xasbunallaah Wa Nicmal Wakiil!!!!

Alleeylehe Madaxweeynihii hore mudane Cabdulqaasim Salaad Xasan, wuxuu ahaa madaxweyne, madaxtinimo u qalma, biseylkeed leh, waxbadanna ka yaqaanay saldanada, maadaama uu madax soo ahaa burburkii ka horna, wuxuu ahaa una dhaqmay, sidii qof dalkan qiimo weyn uu ugu fadhigo.Bal u fiirso ma foowdeen Madaxweeynihii ka dambeeyey ee C/Llaahi Yuusuf Axmed, Madaxweeyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed , Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo waliba madaxwehnaha maanta jooga mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo.

Wax aan dhiiragalin, ummada Soomaaliyeed oo uu ku wacdiyo In dowlada lawada taageero, iyo wanaag dhamaantii wax aan aheynba lagama hayo.

Allow ku cisee, oo sharaf iyo karaamo badan baad leedahaye, aduun iyo aakhiraba kugu sharaf.Allaahuma Aamiin.

By: Abdi Boqor