Maleeshiyaadka Al-Shabaab oo soo Bandhigay sawirrada Meydadka Ciidamadda DFS iyo khasaaraha Weerarkii Ceel-Saliini

Al-shabaab ayaa soo Bandhigay Sida uu u dhacay weerarkii shalay ay ku qaadeen Saldhigga Ceel-Saliini ee duleedka magalaadda Marka.

Maktabka Warfaafinta ee Xarakada Al-Shabaab ayaa faafiyey sawirada weerarkii xooganaa ee lagu qaaday xeradaasi.

Sawirada uu faafiyay maktabka warfaafinta oo la sheegay in ay yihiin kuwo hordhac ah ayaa muuqaal dhab ah ka bixinayay dagaalkii aroornimo Shalay lagu qaaday saldhigga iyo heerka uu gaarsiisan yahay khasaaraha Ciidamadda Dowlada Soomaaliya lagu gaarsiiyay weerarkaasi.

Dhanka kale waxaa muuqaallada lagu daawan karaa meydad daadsan gudaha xerada, gaadiid dhowr ah oo ay ganiimeysteen dagaalyahanada Al-Shabaab iyo askar nolosha lagu qabtay oo iyagoo maxaabiis ah la soo bandhigay.