Madaxda Dowlada Soomaaliya Oo raali gelin ka bixiyey falkii lagu sameeyey Mudane Sheekh Shariif

Madaxda Dowlada Soomaaliya waxeey Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ahna Hogaamiyaha Xisbiga #HimiloQaran Md Sheekh Shariif Sh Axmed u hayaan xushmad iyo qadarin, isaguna sidoo kale waa masuul aad u ixtiraamada Madaxda dalka iyo dowladnimadaba, waxaadna ka garan kartaan sida ay maanta Madaxda dowladu uga falceliyeen uguna tageen Shiikha hoygiisa si ay uga raaligaliyaan arinkii maanta looga hor istaagay safarkiisii kismaayo.

Tankale Madax ka tirsan DFS oo arinkaan ka hadlay waxey si cad u sheegeen in uusan arinku aheyn mid loogu talagalay Shiikha balse ay aheyd waxa isku soo aaday Safarkiisa iyo go’aanka Hey’adda duulista oo ka dhaqan galsanaa Garoonka, mana jirin ayey yiraahdeen wax wargalin ah oo uu Ex President Sh Shariif la soo sameeyay Madaxda dowlada ama uu iska soo hormariyayay,

-Dhanka kale kulankii Madaxda DFS ee Gurigiisa ugu tagay Md Shariif si ay uga raaligaliyaan falkii maanta, ayaa wararka ka soo baxaya waxey sheegayaan In Hogaamiyaha Xisbiga HimiloQaran Md Sh.Shariif uu aqbalay raaligalinta balse uu ka dalbaday madaxdii u tagtay iney Dowladu ka bixiso arinkii dhacay raaligalin buuxda oo muuqata,(Public) lamana oga in sidaa la isla wada qaatay iyo inkale.
-Sidoo kale waxaa la sheegayaa in hoyga Md Shiikh Shariif uu kulan uga wada socdo madaxda Xisbiyada kaas oo la rajeynayo isagana marka uu soo idlaado inuu ka soo baxi doono War Murtiyeed wadajir ah.

Ugudambeyn,waxaan leeyahay Reer Fusabuka fadlan yaan wixii yar oo dhacaba la siyaasadeyn oo yaan la kala Geeda Geedeyne, mid ogaada Madaxda Siyaasaddu iyagaa iska kaaya xiga oo iyagaa danahooda ku heshiiya ama isku colaadiya, sidaas daraadeed Annaga Shacab ahaan danteenu waa In aan ka wada shaqeyno maslaxada guud ee dalkeena & dowladnimada taas ayaa nawada qancin karta oo nawada deeqda.Mahadsanidiin.!!

Maxaa yaab isdabayaal.!!

Abdulqadir Faarax Dilyar