Dowladda Federaalka oo u fasaxday dowlad goboleedyada iyo G/Banaadir lacagtii deeqaha Caalamka

Dowladda Federaalka Soomaaliya, gaar ahaan Wasaaradda Maaliyadda ayaa Maamul Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir u fasaxday lacag gaareysa 6 milyan oo dollar oo ahaa deeqda Midowga Yurub ee kabida Miisaaniyadda, waxaana maamulada loo diray min Hal Milyan oo isku mid ah.

Arrintan ayaa ka dambeysay Shirkii Wasaaradda Maaliyadda Federaalka, Dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir ee ka dhacay todobaadkii hore magaalada Addis Ababa, taasoo ku aaddaneyd wada shaqeynta hey’addaha Maaliyadda dalka.