Ciidamada Jabuuti oo iskaga baxay saldhig ay ku lahaayeen Deegaanka Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan.

Wararka ka imaanaya Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in Ciidamada AMISOM gaar ahaan kuwa Jabuuti ee loo yaqaano (Hiil Walaal) inay isaga baxeen guud ahaan saldhigyadii ay ku lahaayeen gudaha degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan.

Dadka Deegaanka ayaa u sheegay Saxaafadda inay arkayeen ciidamadaasi oo wata gaadiidka dagaal oo ka baxaya degmada Jalalaqsi ee gobalka Hiiraan.

Lama oga sababta rasmiga ah ee ciidamada Jabuuti ay dib uga baxeen degmada Jalalaqsi oo in muddo ah ay maamulayeen.

Saraakiil ka tirsan ciidamada xoogga ayaa sheegay in saldhigyada ay baneeyeen ciidamada AMISOM ay la wareegeen kuwa Milatariga Soomaaliya.