Caano Daatay Dabadood ayaa la Qabtaa, Himilo Qaran & Dawladda yaan la Kala Fogeyn!

War-xumo tashiil ayaa socdo, khilaaf siyaasaddeed in la abuuro ayaa loo gurbaan tumanayaa, Xisbiga #Himilo_Qaran iyo Dawladda Federaalka in la kala fogeeyo ayaa la rabaa, Arin maanta ka dhacday Muqdisho ayaa si waali ah loo buun-buuninayaa!

Nasiib-darro ayay aheyd wixii maanta ka dhacay garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho, wey habooneyd in la ixtiraamo Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shiikh Shariif laakiin sabab kasta ha jirtee ma aysan dhicin.

Sharci cusub oo maanta la sheegay in la soo saaray iyo aaditaanka magaalada Kismaanyo ee Shiikh Shariif ayaa isku soo beegmay, ma qarsana in wadaadka laga hor istaagay inuu aado Kismaanyo.

Dhacdadaas ayaa maanta baraha bulshada si weyn loogu hadal-hayay, inta badan dadku waxay afuufayaan arintaas, Xor ayuu qof walba u yahay inuu aragtidiisa cabiro laakiin ma qurux badna in arinta dhacday laga bad-badiyo.

Dawladda Federaalka oo loo jeediyay inay Shiikha u diiday inuu u amba-baxo Kismaanyo ayaa caawa hoygiisa ku booqatay, Wasiirka Amniga Xildhibaan Max’ed Abuukar Islow ayaa hogaamiyaha Himilo Qaran Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ugu tagay Gurigiisa si uu u dajiyo xaaladda dhacday.

Kooxo Mucaarad ah oo Dawladda ku kacsan ayaad moodaa inay arintaas Cirka ku shareerayaan, Soomaaliyeey wixii dhici lahaa wey dhaceen, caqligu ha talsho, gacmo geel jire hoos ayaa loo dhaqaa ee arinta taagan si Miyir leh ha loo dhameeyo.

#Allow_Amuuraha_Sahal

Shiiqaalow Xassan