Guddiga KMG ee soo diyaarinta Sharciga Doorashooyinka Qaranka oo kulan la qaatay Madaxda Puntland

Guddiga KMG ah ee soo diyaarinta Sharciga Doorashooyinka Qaranka ee Golaha Shacabka ayaa xalay kulan la yeeshay Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni iyo ku xigeenkiisa.

Kulankaan ayeey guddigu kula wadaageen Madaxda dowlad goboleedka Puntland Shariga Doorashooyinka Qaranka.

Madaxweynaha Puntland iyo ku xigeenkiisa ayaa guddiga kaga mahadceliyay sida wanaagsan ay ugu sharaxeen sharciga Doorashooyinka Qaranka.

Kulanka ay guddiga KMG ee soo diyaarinta sharciga Doorashooyinka Qaranka ee Golaha Shacabka la yeesheen Madaxda dowlad goboleedka Puntland ayaa ku soo dhamaaday si wanaagsan.