Ciyaarta Xeegada qaramadda Afrika oo lagu furay ciyaar dhaxmartay Somalia iyo Kenya

Maanta oo ah 20 sebtember 2019 Waxaa magaalada Nairobi Kenya ka bilaabatay ciyaaraha Xeegada qaramadda Africa oo ay Soomaalida ka qeyb galaysaa ayaa Waxaa lagu furay ciyaar dhaxmartay Somalia iyo Kenyo.

kulankii koowaad oo maanta bilowday wuxuu Ku dhamaaday Somalia 6 vs Kenya 7.

Waxaa la ciyaari doonaa kulan kale oo Somalia ay la ciyaari doonta Togo isla maanta

Tartanka Xeegada waxaa Soomaaliya u matalaya dhalinyaro ka timid Sweden, waxaana uu yahay tartanka xeegada Afrika oo sideed dal ay ka qeyb galayaan.

Waxaa bilaaban doona kulankii labaad ee tartanka xeegada Afrika. Somalia VS Burkino Faso ayaa ciyaari doona kulanka labaad.

Soomaaliya waa ay soo bixi kartaa haddii goolal badan ay uga badiso Burkino.

Garoonka Kasarani Nairobi ayuu kulanka ka socdaa.