Baxnaano oo Xaflad Barakaysan u Samaysay Guddoomiyaha Warmo-Cad International

Xaflad aad u qiimo badan oo loogu tala-galay sagootinta Guddoomiyaha Guud ee Dalladda Ururada Caalamiga ah ee Warmo-cad International Md, Maxamed Cabdi Alifleey, uuna soo qaban-qaabiyay ururka Baxnaano Community Care ayaa galabta lagu qabtay magaalada Muqdisho.

Munaasabaddii xafladaasi oo si qurux badan loo soo agaasimay ayaa waxaa ka soo qeyb-galay Wasiirro ka tirsan Dawlad Goboleedka Hirshabeelle, Xildhibaanno ka mid ah Golaha Deegaanka Warshiikh, Maamulka Warmo-cad, Guddoonka Baxnaano, Safiirro, odoyaal dhaqan, aqoonyahanno, culumaa’udiin, dhallinyaro, haween iyo marti sharaf kale.

Furitaankii xafladdaasi hadal uu halkaasi ka soo jeediyay Guddoomiyaha Baxnaano Community Care Kaamil Cabdi Macoow ayaa sheegay inay ku faraxsan yihiin inay Xaflad Sagootin ah u sameeyaan Guddoomiyaha Warmo-cad, waxaana uu caddeeyay inuu Dalladda Warmo-cad uga mahadnaqayo wax u qabashada bulshadeeda, isaga oo Guddoomiye Alifleey u rajeeyay safar wanaagsan.

Guddoomiyaha guud ee Dalladda Ururada Caalamiga ah ee Warmo-cad International Md, Maxamed Cabdi Alifleey oo isna munaasabaddaasi ka hadlay ayaa sheegay inuu ka mahad-celinayo xafladda qiimaha badan ee loo sameeyay, waxaana uu tilmaamay inay Dalladiisa ka go’an tahay taageerida ummaddooda, isaga oo bulshada ku guubaabiyay inay illaaliyaan Midnimadooda.

“Warmo-cad iyo Baxnaano kalama ah laba urur balse waa hal urur oo isku ujeedo ah, waxaana ka dhaxeeya hal hadaf oo ku aadan sidii loogu adeegi lahaa shacbigooda” ayuu yiri Guddoomiye Alifleey oo caddeeyay inay sii kordhin doonaan wax u qabashada dadkooda ku dhaqan gudaha Soomaaliya.

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda Hirshabeelle Xildhibaan Maxamed Xuseen Mooge oo gunaanadkii munaasbaddaasi ka hadlay ayaa sheegay inuu Guddoomiye Alifleey u rajaynayo safar wacan, waxaana uu u mahad-celiyay dhallinyarada Baxnaano oo suurta-gliyay xafladdaasi taariikhig ah, isaga oo kula dar-daarmay dhallinyaradaasi inay la yimaadaan ficil iyo dar-dar cusub oo ay ku wajahayaan hawlaha horyaalo.

Madaxdaasi ka hor waxaa xafladdaasi ka hadlay Xildhibaan Qamar Cali Dhiblaawe oo ka tirsan Golaha Deegaanka Warshiikh, Agaasime Malaay oo ka mid ah saraakiisha Wasaaradda Arimaha Dibadda, Xaaji Axmedey Xabad Tafad oo ku hadlayay magaca odoyaasha dhaqanka, Shiikh Abuukar Sheikh iyo masuuliyiin kale, kuwaasi oo sheegay inay soo dhaweynayaan isla markaana ay sii sagootinayaan Guddoomiyaha Warmo-cad, iyaga oo Alle uga baryay inuu safarka u fuddudeeyo.

Gaba-gabadii munaasabddaasi ayaa Gudoomiyaha Warmo cad Md, Alifleey waxaaa goobtaasi lagu guddoonsiiyay Shahaado Sharaf ay Baxnaano ugu tala-gashay Dalladda Warmo-cad International.

Guddoomiyaha Warmo-cad International Md, Maxamed Cabdi Alifleey ayaa dhawaan Degmada Warshiikh ee Gobolka Sh/Dhexe uga soo qeyb galay xafladdii lagu caleema saarayay Guddoonka Golaha Deegaanka Degmada Warshiikh ee la doortay.

Shiiqaalow Xassan