Nin la Rabo Reyn Badanaa Anba Reedaa ka Rogee!!!

Xilliba waa xilligiisa, xilligaan waxaa miiska saaran xilka Madaxweynaha Dawlad Goboleedka Galmudug; loolan adag oo ku aadan qabashada xilkaasi ayaa soconayo, Musharaxiin dhawr ah oo uu hunguri kaga jiryo qabashada jagadaasi ayaa isa soo bandhiggay, lsbahaysiyo kala duwan ayaa isku haysta doorashada loo galayo madaxtinimada Dawlad Goboleedkaasi.

Musharaxiinta ku legdemaysa xilkaasi waxaa Kow ka ah musharaxa #Nabad_Iyo_Nolol Md, Axmed Cabdi Kaariye {Qoor-qoor}, Saadaal hordhac ah oo la sameeyay ayaa iftiiminayso musharaxaasi inuu yahay midka ugu dhaw ee noqon doona Madaxweynaha Galmudug.

Taageerayaal xoog badan ayuu Qoor-qoor ku leeyahay Deegaanada Galmudug iyo Magaalada Muqdisho, dhawr cisho ka hor ayuu ka degay magaalada Dhuusa-mareeb, soo dhaweyn aad u ballaaran oo aan loo kala harin ayaa halkaasi loogu sameeyay.

Hab-maamuus aad u sarreeyo oo ku dhisan ha dhicin iyo ha jabin ayaa caasimadda Galmudug loogu soo dhaweeyay, Madaxweyne oo kale ayaa loo sharfay, Baabuurta aan xabadda karin ee loo yaqaanno #Bullet_proof oo ay hareero ordayaan mootooyin Taraafiko ah ayaa lagu soo galbiyay.

Fagaaraha Dhuusa-mareeb oo si qurux badan loogu diyaariyay ayuu dadka kula hadlay, kalsooni xad dhaaf ah ayaa hadaladiisa ka muuqatay, balanqaadyo ku saabsan adeegyada uu qaban doono marka la doorto ayuu halkaasi ka akhriyay.

95% waxaa la rumaysan yahay Axmed Cabdi Kaariye inuu yahay Madaxweynaha cusub ee Galmudug, iyada oo aan wali la dooran ayay taageerayaashiisu ugu yeeraan #Madaxweyne, xaqiiqdii mushraxaasi rag culus oo u badan Aqoonyahanno ayaa xilkaasi kula tartami doono hase yeeshee inuu ka guuleysto ayay u badan tahay.

Fursado aaney haysan musharaxiinta kale ayuu haystaa, Xukuumadda uu ka tirsan yahay ayaa u ololaynaysa, wey adag tahay in la hor istaago mushraxaasi ka socda Xukuumadda iminka talada haysa.

Waqti kooban ayaa inaga xiga Doorashada Galmudug, marka la eego sida ay wax u socdaan waxaa la muujinaysaa Qoor-qoor inaan la xigin qabashada xilkaasi.