Madaxdu haddii ay ku heshiin waayaan Halka kursi ee banaan,maxaa lagu kala reebayaa? =Nasashada Jimcaha. Q-166-aad=

Wax Akhyaar loogu maahmaahana malehe.

1-Annaga oo dhigana dugsiga Hoose ee Xamar Jab Jab- Mogadishu, ayaa Macallin la dhihi jiray Axmed Bakool oo noo sharxayay Cashar, ayaa waxa uu soo qaatay Maahmaah Af-Shiinees ah ….白话 [白話], 秦朝, 他很快就到. Markii aan Fahmi weynay ayuu noogu sii tarjumay Af- Japaan…..上手に, 速く, 大人, 送り仮名. Kaba daran, waa leys fiirfiiriyay, waxna lama fahmin. Yaa shiinees, Japaan loogu tarjumi jiray.

( Maalin dhaweyd ayaan TV-ga ka daawaday Odayaal ka qeyb galay Shirka dhuusamareeb, oo loo sharxayo Shidaal ka buuxo Badda hoosteeda, oo markii ey fahmi waayeen,loo tarjumay laguna yiri: Biyo macaan ayaa ku jiro Badda hoosteeda oo aad Xoolaha ku waraabsan doontaan, “Biyo Badeed iyo Xoolo cabayo ayaa isku qaban waayay”, waxaa ka sii darneyd markii Nin magaca Aqoon yahan ku hadlayay uu ku yiri: Shirkad la yiraa UNDP ayaa qodeeyso, lana sacbiyay.

Dadka waxa jiro ee Runta ah, ha loo sheego, Luqad ey fahmayaanna ha loogu sheego, Odayaashu ma ahan Adraydii Dugsiga Xamar jab jab, ee Macallim Axmed Bakool maahmaahdiisii halaga daayo. waa iga talo ) ( F.S: 1aad)

2-Oday ayaa waxa uu lahaa 4 Wiil. Mid waxa uu heeystay Shahaadada Jaamacadda Bsc, midna MA, midna PhD, kan Afaraad weligii wax barasho lama geeyn waxa uuna noqday Tuug. Odaygii ayaa lagu yiri: kan Afraad maxaad wax barasho u geeyn weyday ,hadda waa ka liitaa walaalihii. Waxa uu yiri: kuligood isagaa ugu fiican, waana kan kaliya ee Qooyska oo dhan Biilo, saddaxda kale wax shaqo ah ma hayaan.

Si kasta oo aad Waxbarasho ugu hanuuniso, Qof Arkayo Jaamiciyiin shaqa la’aan ah iyo Dambiilayaal hodan ah, makaa yeelayo in waxbarashadu ey tahay furaha guusha.

(Ogoow Dalkaasu ma huruumaro, Dadkiisuna ma hodmaan, war dhalinyarada wax baratay shaqo ha loo abuuro) ( F.S:2aad)

3- Hayada Saadaasha Hawada ayaa soo saartay sida ay noqon doonto Cimiladu maalinta berrito, la soco Cimilada Magaalada aad Joogto. ( F.S: 3aad)

( Allow na mooti Annaga iyo Yaman)

4- Antonio oo ah wiil Talyaani ah oo dhalin yaraa qabayna “Cudurka Jabtada” ee la iskugu gudbiyo Galmada ayaa Saaxibkii ku yiri: Ninka Darwalka ah ee deriskeenaa, waxa uu neceb yahay kooxda aan taageero ee Arsenal, waa in aan ku daarto Cudurkaan. Saaxiibkii ayaa yiri: sideey ku dhecee?.

Waxa uu yiri: Caawa marka ey Aabe iyo Hooyo Casho u baxaan ayaan Gabdaha shaqaalahaa ee Guriga nooga shaqeyso “ Angelina”, ayaa ka dhameysanayaa, Marka ey soo laabtaan Aabe iyo Hooyo, Aabe ayaa Baabuurkiisa ku qaadayo si uu Gurigeeda u geeyo, mana dhafayo waan ogahay, marka uu ka soo noqdo ayuu Hooyo u tagayaa, subixii marka uu shaqada aado ayuu Ninka deriskaa Hooyo u yimaad ,sidaa ayuuna Cudurka ku qaadayaa.

(Ogoow Dowladuhuna sidaa oo kale ayey isagu gudbiyaan, Collaadaha, Dhibaatada dhaqaale iyo tan Bulsho. Qof aan Aqoon Siyaasadeed leheyn haddad u dirsato Siyaasadda ku tala gal in “Jabto siyaasadeed” laguu soo xawilayo, oo Jiilka dambe ey u gudbi karto)

5-Laba Gabdhood ayaa isku qabsaday, middii ku fadhiisan leheeyd, Kuriga kaliya ee ka banaanaa “Bus” ka baxayay K4 una socday Lafoole, Rakaabkii oo u badnaa Wiilal dhalin yaro ah ayaa ka quustay in ey xaliyaan murankooda. Darawalkii Gaariga ayaa gadaal soo eegay kuna yiri: War waan dhaqaaqayaa, ee Labada Gabdhood midda foosha xun ha ku fadhiisato, tan kalena ha iska samirto… Kursigii midina kuma fadhiisan, taagni ayeey ku tageen lafoole. ( F.S: 4aad)

( Madaxdu haddii ay ku heshiin waayaan Halka kursi ee banaan,maxaa lagu kala reebayaa? Talo keen Adigu)

6- Kadib markii Dalka Ingriika lagu soo rogay 2019, Sharciga ah in Casharada Isku galmoodka lagu dhigo Dugsiyada Hoose, ayaa wiil John yare la yiraa oo Dugsigii ka soo laabtay ku yiri Hooyadii: Hooyo maanta waxaan soo qaatay Cashar Galmo oo Braatiko ah. Hooyadii ayaa aad uga xanaaqday.

Markii Galabtii uu Aabihii yimid ayaa loo sheegay. Aabihii oo Farxsan ayaa yiri: Rag ayaad tahay, in Adiga oo yar aad cashar siiso Hablaha Dugsiga, Raganimadaa Anigaa kugu dhalay. Maanta, Abaal marin ahaan, waxaan kuu soo iibinayaa Bicycle “ Bushkaleeti”. Dukaankii ayuu geeyay waxa uuna u soo iibiyay Bushkaleeti. Waxa uu ku yiri: Bushkaleetiga wado illaa aad Guriga ka tagto.

Wiilkii ayaa ku yiri: Aabe ma wadi karo maanta, ee Bushkaleetigaaga ku xiriiri, weli dabadaa i xanuunee. Yaaaah, Aabihii naxtin. ( F.S: 5aad)

( Reer Londanow Hubsada Wiilashiina Casharada loo dhigayo nuuca ay yihiin, Berri Qoowmu luud ha noo keenina, waa iga talo)

Qore: Yahya Amir