Dibiga ha ku quustee Weysha gowrac!!

Hantidu kala fiican, Xooluhuna kala qiimo badan, kalana mudan.
Xooluhu, kuwaa horora oo wax dila,noloshooduna ku tiirsan tahay Horornimadaas, qaar kalaa wax dhibaateeya, noloshooduna aaney ku xirneyn.

Kuwa sii kalaase jira oo leh iyagu, Munaafacaad la intifaacsado. In kaloo jirtaahina dhib iyo dheef midna aan lagu qabin.

Dadku kala aragti fog, kalana aragti fiican. Kuwaa og waxa ay u nool yihiin oo loo abuuray, qaarna war iyo wacaalba uma lahan. Rabbigii koonkaan abuuray, waxuu na leeyahay ”Wamaa khalaqtul jinna wal insa illaa liyacbuduuni” Jinniga iyo insiga waxaan u abuurnay ineey i caabudaan, Maqluuquna waa inuu caabudaa khaaliqa abuuray. Waxaa kaloo Allahu casa wa jalla noo sheegay ”Walaqad karramnaa bani aadam”, taas oo sheegeyso in aadanuhu Rabbi karaameeyay.

Khaliifkii 4aad ee Muslimiintuna, Rabbi ha ka raalli noqdee, Cali Bin Abii Dhaalib, Waxuu yiri ”Icmal ka dunyaaka ka innahu taciishu abadan,wa icmal ka aaqiratuka ka innak tamuutu qadan” Taas oo noqoneyso Adduunyadu ugu shaqeyso inaad weligaa noolaaheyso, aakhiradaaduna ugu shaqeyso sidi inaad berri dhimaneyso”.

Waxaa nagala rabaa inaan wax badan ku cibrad qaadano, maankana gelinnaa waxa nagala gudboon Waxa diintu na fareyso oo adeeca u baahan iyo waxa maanka rogrogo oo nala gudboon faliddooda.

Adduunyaduna, waa hee dhibleeyoo, maalin walbaa waxeey ku tusee wax kaa yaabiya. Waana hee tii meelaha qaar la dhihi jiray ”Cimrigaaga oo dheerada Geel dhalaaya aas ku tusaa”. Hadda taas waa runnoo, qofaan arag meel geel joogo arki maa Geel dhalaaya, oo isagu maba oga Geelu meeqa naas ayuu leeyahay, mana kala yaqaan Hal iyo Rati. Hadda taasuna ceeb maahanoo adigu waxaa dhaqataa taqaan, usna waxuu tacbadoow yaqaan, oo uun qofba dhan u badi. Xaalkuse, waa uun ”Buda qabe iyo Biya qabe waa isu baahan yihiin”.

Xoolaha la dhaqdo, waxaa dhextaal u ah Lo’da. Geelaa u weyn, Ariguna waa u yar yahay. Xooluhuna, sida noolaha kale ayay noqohaayaan Lab iyo dheddig, taasoo ah sida dadku u kala yahay ”Nin iyo Naag” Geeluna ”Hal iyo Rati” Ariguna ”Wan iyo Lax” Aricadkuna ” Ri iyo Orgi”, hadda looduna waa uun la midoo waxeey kala noqoneysaa ” Sac iyo Dibi” Mugga ay yaryar yihiin waa ”Weyl iyo Dibi”.

Bal aan isla qiimeyno Weyl iyo dibi, Dibigu, isagu waa la qashaa oo moorada ama Gasada laguma heysto Dibiyo badan, oo waxaad arkee mooro buuxdo oo aanuba ku jirin xitaa hal Dibi ama Hal uun ku dhex jiro. Halka Weylaha, Qaalimaha iyo Sacahu ay buux dhaafiyaan moorada ama Gasada.

Xeey ku dhacday in ay saas dhacdo?
Dibigu, Isagu waxuu reerka ugu fadhiyaa laba wax, waa tan 1aade in la qasho oo hilibkiisa la quuto , martidii timaadna lagu sooro. Tan 2aad, waxeey noqonee kaalintii uu ku lahaa taranka oo ah inuu boodo neefkii orgoohaayo oo Ovolationkiisu ”Ugxaantiisu” diyaarka tahay.

Dibigaas Hawshaa qabahaayo, muhiim maahan in xoolaha uu la xareysan yahay oo waxaa suurtowdo in aanu isagu mooradaan ku jirin ee Gasooyin kale laga keeno muggii loo baahdo uun. Inta badan Dibigu, waxuu u diyaarsan yahay Gawrac iyo in la iib geeyo si uun loo gawraco.

Weysha, Iyadu waxaa laga leeyahay ama laga rabaa wax ka badan Dibiga. Laba wax oo dibigu u joogo waa la wadaagtaa, laba kalena waa dheertahay. Waa labada ay la wadaagto waa Taranka oo ay weliba Kaalinteedu ka muhiimsan tahay tan Dibiga, Qalashada iyo iibgeyntana waa kala mid. Labada ay dheertahay waa in ay weylo kale iyo dibiyo dhaleyso halka isagu aanu laga sugeyn kaalintaas iyo ta labaade in Caano laga maalaayo.

Mugga hee u fiirso, in xooluhu yihiin wax muhiima haddana kala muhiimsan, taas oon ka garan karno, waxa ay Soomaalidu tiraa ee ah ”Nin seexdaa Sicii , Dibi dhalaa”.
Hadda, bal aan u fiirsano, waxa loola jeedo ”Nin seexdaa Sicii, Dibi dhalaa”, waxeey uun na tusee khaladaadka nagu jiro ee sixitaanka u baahan, Maxaa yeelay waxeey muujihee, in ninkaa hurdo loo bedelo weysha u dhalatay, looguna bedelo dibi, taas oon ka garan karno in Weyshu ka qiimo sarreyso kana mudan tahay Dibiga, waa midda kaa shibiheyso ilmaha baahan berri, caanaheeduna kuu korihaayaan ilmaha, Soow yaab iyo yaabkii iyo caqli xuma maahan in iyadii la gowraco, si cid kale loogu cabsigeliyo.

Ninka seexday ee saciisu dibigu dhalay, soow dhaqan gurracan oo diinta ka fog maahan, haddana waxaa uun kuu muuqaayo waxyaalo saas uun u eg.
Haddaba, Kolba haddii arrinku saas yahay, xaan hee u niraa ”Weysha Gowrac,Dibiga ha ku quustee”?
Soow taasu noqon meysu, wax is diiddan oo iska soo horjeedo.

Saa hee loo aqbalaa, in Weysha la gowraco, Dibiguna la daayo? Daysmadaasu waa mid dhufaaneysa dibiga…Waa cagajugleyn tii u dambeysay oo ka sarreyso car iyo wir…Waa ficil ka weyn cagajugleynta caadigaa.
Bal, aan eegno bal biya dhaca Murtida iyo waxa lagala dan leeyahay.

Aniga waxa iiga muuqdo, ma ogi in adigu kuu muuqdaan, Kolleey aniga aan sheego waxa iiga muuqda halkaas, adiguna, hee adigaa kolkaaga noo sheegi doonto ama adigaa uun isu sheegi doonto e.

Aniga waxeey ila tahay, ineey uun ka mid tahay khaladaad bulsheedka nagu dhex jiro ee in laga gudbaa u baahan ineey ka mid tahay oo aaney noqon sida ”Laabta ka soco iyo Caado la gooyaa caro Alleey leedahay”.

Waa Dulmi muuqdo, ama caqli xumo in la gowraco tii laga sugaayay ineey xoolaha badiso lana maalo. Haddii baahiyi jirto oo la rabo in wax la gowraco , maa dibiga la gowraco. Waxaa uun ay noqonee in la rabo in la dhufaano Aw Dibi, awoodiisana dhulka la dhigo, dhul dhigaasuna waxuu imaahaa kolka lagu hor gowraco Miskiin aan wax galabsan.

Waxa muuqdo waa sheeko kale oo gowracidda ka gundheer, oo weliba aad is leedahay waa dhaafsiisan tahay ama meelo kaleey ku fool leedahay oo ay u arooree. Waa hee intaay Maha ay ku socoto?
Waa cabsi gelin, waa fal argagax gelin, waa cagajugleyn waa kelitalisnimo, waa teeyda ha socoto. Waana hee wax dhaqankeena ka mid noqday waxaas iyo kuwa kaleba.

Waa ha lagu quusto ”Ishii aw Weeroow ka laalaaday”. Waa digtoonoow oo ha is dhaqaajin, Xaalku waa ”Abkeey Doolli diloow Dad nool maas u daahaa”, waa uun digtoonoow oon dabcis laheyn. Ninkii Weysha gowracay Dibi maxaas la yahay.

Waxa Weysha ku dhacaayo waxeey ka mid yihiin dhacdooyin badan oon yaqiinse laheyn oo koonka ka dhacaayo weliba Geeskeena.
Waa in dulmigaas Gowraca wata laga daayaa Weysha, Dibigana, cabsigelinta iyo argagaxa laga daayaa.

Xuseen M.Cabdulle ”WADAAD”
huswadad@hotmail.com