XIRIIRKA DOWLADDA SOOMAALIYA IYO MAREEYKANKA WAA MID SII XOOGEEYSAN DOONO MUSTAQBALKA:

Dowladda Mareeykanka waxay dalka Soomaaliya ku tabarucdaa sanadkasta 500 milyan doolaar, waana dowlada ugu badan ee dhaqaale geliso dalka Soomaaliya, sidoo kale Soomaaliya waa dowlada kaliya ee hesha dhaqaalaha ugu badan Africa iyo South America.

Inkastoo Madaxwayne Donald Trump uu dhimay tabaruca la siin jiray dowladaha saboolka, hadana waxba kama jarin dalka Soomaaliya, waxaana la filayaa sanadkaan inay sii kordho dhaqaalaha ka geliyo dalka Soomaaliya, lacagtaas inta bada markii hore ayku baxi jireen dhanka amaanka, hadase sida uu sheegay Amb. Yamamoto waxay Dowlada Mareeykanka maaligelin ku samayn doonaan dhanka waxbarashadda, caafimaadka, dib u dhiska, ganacsiga Iyo maamul wanaaga.

Dagaalkii sokeeye ee Soomaaliya ka dib, Dowlada Mareeykanka waxay dib u dejin ku sameeysay qaxooti badan oo Soomaaliyeed, oo aan horey loogu samaynin dalka Africaan ah, taasi waxay abuurtay in maanta dadka Somali-Americans ay tiro ahaan kor u dhaafayaan boqolaalo kun, dadkaasi Soomaaliyeed waxaa lagu tirinayaa dadka ugu aqoonta iyo dhaqaalaha badan ee Soomaalida dibada ku nool.

Saalaadin marka lagu sameeyo arimahaan waxaa kuu soo baxaayo in mustaqbalka xiriirka Soomaaliya iyo Mareeykanka uu sii xoogeeysan doono.

Sheikhnor snokar Qassim