Taladaan la ruugin… waa lagu rafaadaa..!!

Ummaddu weey daashay, weey daashay haddana weey daashay. Waxayna in badan sugeysay nabad, xasillooni iyo nidaam wato kala dambeyn caddaalaad ku dhisan.
Waxaa la soo maray xilliyo ad-adag, kaas oo dadku u kala jabay
laba qayb oo kala socota…Mid qori qaatay oo cudud muujiyay
iyo mid ka caagay oo noqday sacbooleey.
Reer Sacbooleey, weli waa sacbooleey, waana sii ahaan doonaan.. Iyagu, waxaa wax kastaa kala weyn ilbaxnimada, degenaanta iyo sabarka.
Qorileeydu iyaguna, waxaa dhiigoodu ku jiro wax khasbaayo in wax kastaa xoog lagu maquunsho, noloshuna u aaminsan yihiin in ay tahay xoog iyo hadal wax ku keen..Waa yaan lagaa itaal iyo hadal badin… Waa tii la dhihi jiray “NIN KAA HADAL BADAN DHAXAL ADOOGAAHAAS KULA WADAAGAA”.
Waxeey ila tahay in ay adag tahay in labadaas qolo wax wadaagi karaan, melena la isugu keeni karo ILLAMAA…

Waxaa la soo maray xarig jiid Saddex caqdi ka badan socday…Kaas oo dadka
qaarkii mooday inuu la dhammaaday Roadmapkii tegey dhammaadkii
sanadkii tegey 2012kii… Haddana yididiilo cusub ayaa dadka qaarkii u soo bidhaantay 2017dii.

Waxaa qaybtii sacbooleeyda aheyd ay wax ka sugeysay inuu bilawdo waa cusub
oo wato caddaalad bilaw ah xitaa ..taas oo la is lahaa waxaa laga gudbay wax
badan oo la isku wada raacsanaa qalafsanaantooda… Waxaase nasiib darraa in
weli xaalka halkiisii uun joogo “JUGJUG MAHAAGA JOOG ama HAL TALLAABO HORE LABANA GADAAL”..Mar marna aadba is leedahay armuu grafku hoos
u socdaa .. waa markaad Microscope hoos ugu eegto sida wax u socdaan..

Horta wax kastaa ka hor waxaa in mudnaanta la siiyo tahay hawlaha na horyaal
inta ay baaxad la eg yihiin..layskuma diiddana in hawl adag ay na hor taal..laakiin
ma u muuqanaa kuwa si hufan uga gudbi karo caqabadaha na hor yaal..?
Aniga shaki badan ayaa iiga jira in ay sahlan tahay in laga gudbi karo, Waxaanba is
leeyahay waxaanan weli la garan barta loo hoggaaminayo Ummadda iyo jidka ugu fudud
ee dhaanka lagu gaarsiin karo barta loo socdo ama halka daaqu yaalyaallo…Waxaa kolleey nasiib darro noqoneyso haddii cidda dhaanka waddaa aaneyba garan jihada ceelku ka jiro..

Waxaa uun dhaba in duruufo maxali iyo khaarijiba ah loo baahan yahay in laga
dhex dusiyo Ummadda xilka loo qaaday..lana gartaa in iyadoo laga duulaayo duruufaha
jiro iyo bartilmaameedka loo socdo iyo danaha gobolka iyo dawliga ahba la is waafajiyo
iyadoo ujeedku yahay in loo daneeyo Ummaddaada iyo dalkaaga.. Waxaa qumman in la daydayo cid kastaa oo talo iyo aragti huffan ku biirin karto in lagu biiriyo talada… Lana ogaadaa in loo baahan yahay caqli iyo cindi la jamciyo si loo gaaro himmilooyinka loo socdo iyo samatabixinta Dan iyo dhul… Waxaa loo baahan yahay iskaashi guud ”ISKAASHATO MA KUFTO” . Tirokooban oo xulafa ah dal iyo dad ma badbaadin karaan..
Nasiib darrooyinka muuqdo waxaa ka mid ah in qolyihii ewelba sacbooleyda ahaa ee
diiday ineey qori qaadaan xoogna adeegsadaan in xaqoodii weli lagu sasabaayo qolyo
kale oo qoryooleey ahaa oo laga baqaayo ineey ciyaarta bannadaan..taasna waa nasiib-
darrooyinka aan waqtigaan la fileyn ineey soo noqdaan ee lama sugeeyn in qof hore
u dulmanaa la sii dulmo oo xaqiisa yar ee nasiibku siiyay cid kale lagu maslaxo..Taas iyo
waxyaabo kaloo u dhawdhaw oo muuqda waxay keeni karaan rajo beel ku timaad qaybo
badan oo Bulshada dhexdeeda ah…

Waxaan is leeyahay inta dhibbanaha la sii dulmaayo in aan horumar imaaheyn adduun
iyo aakhirana lagu sii beelaayo..Waxaan rabaa in aan suugaan gaaban oo uu tiriyay abwaankii
weynaa Cabdi Muxumud Amiin Rabbi ha u naxariistee ku tilmaamo rabtaan hadda joogo
iyo sida wax yihiin:
Dadkii ineey kala bexeen
Dantoodu is diiddan tahay
Dulme iyo la dulmaaye yahay
Dagaalku siyaasi yahay
Dudida saw ma aragtaan
Dalkana saw ma aragtaan.

Waxaa ii muuqdo in Dawladda jirtaa ay ku fashilmeyso haddaaneey Ummadda si degdeg ah
caddaalad ugu muujin.. Arrimaha isku qasanna xuluul degdeg ah u helin kuwaas ay ugu horreyso
Arrinka Jubboojinka, kala durugga ka muuqdo dawladda iyo maamullada jira,
Fahamka iyo xal u helidda arrimaha mandiqada iyo caalamkaba.
Waxaana looga fadhiyaa ineey bulshada ay hoggaanka u tahay u soo bandhigto halka ay
u hoggaamineyso…Dhacdooyinka dhaca iyo hadafkooduna ummadda la wadaagaan si daahfurnaan leh.

Waxaa jiro xano badan oo ku saabsan maamulka jiro iyo suu u shaqeeyo, anigase si hoose
uma hubo sida dhabtaa ay wax u jiraan.. laakiin Soomaalida waxay tiraa “Qofna xantiisa ma moogo”
waxaa la leeyahay Masiirkii Ummadda waxaa gacanta ku haayo hal nin oo ay awooddii dhan ku
uruurtay, kaas oo kaba awood badan ciddii isaga magacawdayba… Ummadi waxay ku hormari kartaa wada tashi iyo in maamulka cid walbaa meesha uga aaddan ka qabato, Bulshadana taageertaa ciddaas ay u igmatay hoggaanka.
Tani waxay na xasuusihee Maansadii Deelleyda ee Allaha unaxariistee ee Cabdulle Raage oo aan ka soo qaaday qayb yar, waxayna tusaale u tahay burburkii dawladdii hore , waana tan:
Inta doqon fariid yahay
Dembiilena garsoor yahay
Derejana qabiil tahay
Dable janan ka adag yahay
Intuu uurku daban yahay
Dibnuhuna qoslayaan
Inteey weysha doox tahay
ha ku quusto dibiguye
inta derintu ii taal
adna dabaqyo leedahay
inteey dunidu nabad tahay
dilkeyguna xalaal yahay
inaan tiriyo deelley
dareenkeygu ma oggola.

Waxaa hubantiya in taariikhdu soo noqnoqoto loona baahan yahay in wax laga barto, laakiin
haddaanan taariikhda wax ka baran waxaan noqoneynaa duul indha la’ aana garan karin
culeyska ka hor yimaad seey ku dhaafaan iyo jiho ay u ciirsadaan..
Markaanna bal ila arka haddana Abwaankii Cabdi Muxumud Amin, qayb ka mida suugaantiisa qiimaha badan waana tan:
Dad baa nahaye taariikhda
maan yaraha deymoono
Duruusteey dhigtiyo maan
akhrinno darsiyadeey dhiibtay
Waaya arag waxuu daabacay
iyo dunida maan raacno
maan dardaarankoodii hantinno
doqoni waa mooge
Digta horeba duul wada jiraa
gaaro danahooda
isku duubni baa lagu helaa
dux iyo iimaane
kala daadsanaan
waxay ka tiri
waa dugaagnimo e
waa dareenka duurjoogta
iyo duunyadoo kale e.

Qoraalkaan ulama jeedo wax dumin ama wax xumeyn waxuuse fure yahay qoraallo soo socdo
oo naqdin Siyaasadeed ahaan doono, Micnaha maahan waxa soo socdaahi waa wada -Taban waxaa ku jiri doona kuwa+ togan waxayna noqon doontaa silsillad ujeedkeedu yahay in wax lagu saxo uun.

Xuseen M.Cabdulle “Wadaad”
huswadad@hotmail.com