Shir looga hadlayey sidii loo heli lahaa Ciidan Awood u leh illaalinta Xeebaha dalka oo Muqdisho lagu qabtay.

Shir looga hadlayey sidii loo heli lahaa Ciidan Boliis oo Awood u leh illaalinta ee Xeebaha dalka, ka hortagga Tahriibka, isku socodka kooxaha Argagaxisadda iyo kuwa ka ganacsadda waxyaabaha maanka dooriya ayaa lagu qabtay magaalada Muqdisho.

Kullankaas waxaa soo qaban qaabiyey Wasaaradda Amniga ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxaana ka qeyb galay Saraakiil ka socotay Ciidanka Booliska Soomaaliyeed gaar ahaan laanta illaalinta Xeebaha dalka.

Isku duwaha Xafiiska Ciidanka illaalinta Xeebaha ee Wasaaradda Amniga Muntaasiya Xaaji Jimcaale ayaa sheegtay in muhiimad gaar ah leedahau ilaalinta Xeebaha dalka.