Ololayaal xoog badan ayaa soconayo, loolankii loogu jiray madaxtinimada Galmudug ayaa marayo heerkii ugu sarreeyay, rag badan oo uu hunguri kaga jiryo Hogaaminta maamulkaasi ayaa isa soo sharaxay, rajo-ahaan musharax kasta waxa uu ku haminayaa inuu guuleysto!!!
Siyaasiyiinta u taagan hogaaminta Dawlad-GoboleedKa Galmudug waxaa safka hore kaga jiro musharaxa u loolamayo xilka Madaxweyne Ku-xigeenka maamulkaasi Md, Cabdiweli Ibraahim Garyare, musharaxaan oo qura ayaa illaa iyo iminka isu soo diiwaan-galiyay qabashada xilka Madaxweyne Ku-xigeenka Galmudug, waa suuragal in musharaxiin kalana ay isa soo bandhiggaan maalmaha soo socda.
Boorarkii musharaxiinta ee horey u surnaa magaalada Dhuusa-mareeb ayaa maanta waxaa ku soo biiray boorar cusub oo uu ku sawirran yahay musharax Cabdi-weli Garyare oo u taagan xilka Madaxweyne Ku-xigeenka Galmudug, waddooyinka waa-weyn ee ku yaalo faras magaalaha Dhuusa-mareeb ayaa la dhigay boorarkaasi.
Taageerayaasha musharaxaan ayaa rumaysan musharaxoodu inuu yahay kan ugu dhaw ee ku soo bixi kara xilka uu u taagan yahay, bulsho badan oo jecel ayuu musharaxaasi ku leeyhay Galmudug, horey ayuu samafal badan uga sameeyay deegaanno ka mid ah maamulkaasi.
WD:C/Laahi Shiikhaalow