Kooxda Macawiisley oo Maleeshiyaadka Al-Shabaab kala wareegay Deegaano hoos taga G/Hiiraan.

Wararka ka imaanaya gobolka Hiiraan ayaa tilmaamaya in dagaal culus oo u dhaxeeyay Alshabaab iyo kooxda Macawiisley uu ka dhacay deegaano hoostaga magaalada Beledweyne.

Dagaalkaan ayaa ka dambeeyay kadib markii kooxda la magac baxday Macawiisley ay weerar ku qaadeen deegaanka Daaru-salaam halkaas oo uu ka dhacay dagaal la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan iyada oo ay ka soo baxayaan faahfahino kala duwan khasaaraha ka dhashay dagaalkaas.

Horjoogayaasha kooxda Macawiisley oo la hadlay idaacada dalsan ee magaalada Muqdisho ayaa sheegay in ay Alshabaab kala wareegeen deegaanka Daaru-salaam isla markaana ay iyagu haatan ku suganyihiin.

Dhanka kale ilaa iyo hatan maamulka Hirshabelle kama aysan hadlin dagaalkaas iyo wararka sheegaya in Kooxdaan ay Alshabaab kala wareegeen deegaanka Daaru-salaam,dhinaca kalana saraakiisha dowladdu kama aysan hadlin