Hey’adda IMF oo Warbixin ka soo saartay barnaamijka dayn cafinta Soomaaliya

Warbixin ay hey’adda Lacagta aduunka ka soo saartay wada hadalka dayn cafinta Soomaaliya ayay ku sheegtay in masuuliyiinta Soomaaliya iyo Hey’adda Lacagtu ay la isla garteen dhameystirka qeybta koowaad ee wajiga afaraad ee wada hadalka dayn cafinta (SMP4).

“Masuuliyinta Soomaaliya waxa ay sii wadeen go’aankooda horumrinta dhaqaalaha iyo dib u habeynta hey’adaha maaliyada waana talaabo taageeraysa qanaacada ka gudbida shuruudaha horyaala Barnaamijka dabagalka dayn cafihnta” ayaa lagu yiriWarbixinta IMF.

Kooxda Wadahadalka dayn cafinta oo ay hogaaminaysa Allison Holland waxay Addis Ababa Itoobiya kula kulmeen 10 kii ilaa 13 kii Semtember masuuliyinta Soomaaliya si looga wada hadlo qeybta koowaad ee wajiga afaraad ee daynta cafinta oo ku jireen kor u qaadista dakhliga dalka, xoojinta maamulka maaliyadda, sugida degaanashaha dhaqaalaha, iyo xoojinta shuruucda oo ay ku jiraan ka hortagida lacag dhaqo iyo maalgalinta argagaxisada.

Dhamaadka booqashada Allison Holland hogaanka wada hadalka daynta cafinta IMF waxay tiri.

“Doodii mira dhalka aheed ee ay wada yeesheen masuuliyiinta IMF iyo Soomaaliya waxay ay heshiis ku gaareen in la dhameystiran qeybta koowaad ee wajiga afaraad ee barnaamija dabagalka daynta, waxaana heshiisku sugaya ansixinta maamulka hey’adda lacaga aduunka “

“Kobaca dhaqaalaha waa mid dagan 2.9 boqolkiiba 2019 sicirka suuqase kor ayuu u kacay si ku meel gaar ah ilaa 4.0 boqolkiiba waxaana sabab u ah qiimaha sareeya ee cunada oo ay keeneen roob yaridii dhacday horaantii sanadkaan, adkaashaha xaaladaha amaanka iyo isbadalka cimilada” ayay tiri IMF.

“Hey’adda lacagta aduunka waxaay soo dhaweynaysaa sida masuuliyinta Soomaaliya ay uga go’antahay fulinta dib u habeyntii shuruudihii loo qaabeeyay qeybta koowaad, dib u habeyntaasi waxa cabirkeedu ahaa gaariska hadafyada wajiga afaraad waana la wajahay, inkastoo wali ay qataro jiraan hadane waxaa la sameeyay horumar kuwaas oo u gogol xaaraya ka guul gaarida qeybta labaad ee wajiga afaraad”.

“Hannaanka maamulka maaliyadda waxa uu ku joogaa wadadii la rabay, uruurinta dakhliga biloowgii sanadkaan ilaa July 2019 waxaa uu ka sara maray intii la filayay, kooxda IMF waxay soo dhaweysay nidaamka cusub ee lacagaha moobilka la isugu diro kaasoo muhiim u ahaa barnaajikan iyo deganaashaha dhaqaalaha “.

“waxaan ku faraxsanahay go’aanka wadajirka ah ee wasiirada maaliyada dowlad goblleedka iyo wasiirka maaliyadda dowladda federaalka si loo hubiyo ka guul gaarida Barnaamijka dayn dhaafka iyo in meel la iska dhigo kala duwanaanta siyaasada.

Hey’adda lacagta aduunku waxa ay dhiiragalinaysa joogteynta wada shaqeynta dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada si loo wajaho qataraha ku hor gudban baranaamijkan”

“Masuuliyiinta waxa looga baahan yahay adkeynta go’aankooda ka guul gaarida wajiga afaraad si loo gaaro shirweynaha go’aan gaarista dayn cafinta, masuulyintu waxa kale oo way wadajir uga shaqeeyeen qorshaha sagaalaad ee horumarinta qaranka oo ay ugu talagaleen in lagu wajaho shuruudaha hal abuurka kama dambeysta ah ee deyn cafinta oo ay ku irto yaraynta faqriga oo la dhameystiray”.

“Si loo gaaro hadafka hal abuurka kama dambeysta ee deynta cafinta sida ugu dhaqsiyaha badan uguna macquulsan waxaa lagama maarmaan ah taageero xooggan oo beesha caalamku ku bixiyaan si loo hubiyo in Soomaaliya gaartay halkii ay uga baahneeyeen hey’adaha dhaqaalaha caalamka iyo dayn dhaafka”.

“Inta lagu jiray booqashada wafdiga Hey’adda lacagta aduunka matalayay waxay kooxdu lakulmeen wasiirka MAaliyada Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Beyle, Wasiirka Qorsheynta iyo horumarinta Dhaqaalaha Jamaal Xasan, Guddoomiyaha

Bangiga Dhexe Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi,iyo masuuliyiin kale waxay kale oo ay la kulmeen warbixinna ka siiyaan halka ay waxmarayaan guddiga Maaliyadda Baarlamakaanka., Deeq bixiyayaasha iyo hey’adaha kale oo qeybta ka ah barnaamijka dayn cafnta”.

“Kooxda Barnaamijka dabagalka dayn cafinta waxa ay ku casuumeen Bangiga aduunka, Midoowga Yurub iyo wasiirada Maaliyadda dowladaha xubnaha ka ah dowladda federaalka Soomaaliya aqoon isweydaarsi ku saabsana caqabadaha iyo fursadaha horyaala deyn dhaafka kaasi oo dhacay 14 september.