Inal Moowta xaqun. (Faallo Xaqiiqda ku aadan)

Mudane wasiir, geeridu waa Xaq, laakin Cabsida badani waa cudur.fiiri Madaxda Adiga kaa sareeyso, iyo wasiirada kula midka ah, waa taxadaraan laakin illaa xad sidaa uma ahan fulayaal.

Waxaad qaadatay, Shaar iyo Baabuur aan xabaddu Karin, taa rag badan ayaa kula wadaago, laakin Adiga waxaa kuu dheer in qolkaagii Jiifka, Daaqadihii iyo Albaabadii aad Ka dhigto kuwo aan xabbadu Karin, oo aad dibadda Ka keento, taa Madaxda kaa sareeyso ayaa Ka xishootay. Waa kale oo aad Gurigaaga u sameeysay 3 check point oo Isla gudaha Guriga ah. (F.S: 1,2 & 3aad), intaa Cabsidu ma kugu deeysay, Mise weli walwal ayaad Ku seexataa.( Aayatul kursi iyo yaasiiman akhriso, iyo….. Allana tala saaro)

Waxaa Ka daran Xafiiskaaga, Ka sokoow bullet proof- yada Xafiiska, waxaa yaab ah in Adiga Suulkaaga oo kaliya lagu furi Karo Albaabka, Haddii tii Alle kuu timaad, amma Xafiiska Deb Ka kaco, sidee loo damminaa? Waxaa loo xayirmaa Suulkaaga.

Haddii aad Xafiiskaaga timaad, ma ahan in shaqaalaha oo dhan lagu amro in ey xafiiyadooda galaan oo ey irdaha Soo xirtaan inta Aad Ka gudbeeyso, Masuuliyiinta Adiga kaa sareysaba sidaa ma yeelaan,ee shaqaalahooda waa salaamaan.

Waa iga Talo, qaado Shaati Bir ah, mid Alwaax ah ama mid Xaashi ah, ( F.S: 4, 5 & 6aad) , inal meyta xaqun, lagama dhuuman Karo, Cabsida iska dhaaf ee Dadka iyo Dalka u shaqeey. Waa iga Talo,xumaan ha u qaadan.

Qore: Yahya Amir