Duqa Muqdisho oo Dar-dar Cusub la Yimid, Muxaafad & Mucaarad waa isagu Mid!!!

Kulan Seddex geesood ah oo ay yeesheen Madaxweynayaasha K/Galbeed, Hirshabeelle iyo Guddoomiyaha G/Banaadir ayaa caawa ka dhacay magaalada Muqdisho.

Kulankaasi oo daba socday Casho Sharaf uu soo agaasimay Duqa Muqdisho ayaa la sheegay in looga wadahadlay sidii uu iskaashi u dhex mari lahaa G/Banaadir iyo Dawlad Goboledyadaasi.

Duqa cusub ee Muqdisho ayaa maalmahaan waday kulamo iyo Shirrar gaar-gaar ah oo uu la yeelanayay qaar ka mid ah masuuliyiinta Soomaaliyeed.

Guddoomiyaha G/Banaadir ayaa u muuqda nin la soo shir tagay barnaamijyo siyaasaddeed oo uu kaga duwan yahay raggii xilkaasi kaga horeeyay.

Dhawaan ayuu Duqa cusub kulan gaar ah la yeeshay Xubno ka mid ah Xildhibaannada Baarlamaanka oo lagu tiriyo inay ka mid yihiin Mucaaradka Dawladda Federaalka.

WD:C/Laahi Shiikhaalow