Sheekadii Odey Ganacsade Ah Iyo Wadihii Bajaajta!!!

Nin Xoogaa Hanti Yar Heysta Kana Ganacsada Suuqa Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho Ayaa Ku Sameeyay Tijaabo La Yaab Leh Oo Uu Ku Sameeyay Wadayaasha Mooto Bajaajta Isla Markaana Uu Ku Ogaanayey Iimaankooda Waxa Uu Soo Istaagey Wadada Maka al Mukarama Waxa Uuna Joojiyey Dhowr Bajaaj Isagoo u Sheegaya Inuu Rabo Suuqa Bakaaraha Uuna Wax Lacag Ah Uu Ka Heysto Lacag Gaareysa,0.5$ ,Lacag Kalena Uusan Heysan Isagoo Baryo Tuugtan Iyo Duco Raacinaya Balse Waa Uu Ku Guuldareystay Inay Qaadaan Mid Walibana Intuu Codsigiisa Iyo Baryadiisa Dhageysto Ayuu Ka Dhaqaaqay Kuna Yiraahdaa Adeerow Raali Ahoow Kuuguma Qaadi Karo Lacagtaas Dhan ,0.5 ee Iska Raac Baabuurta Caasiga Ah ee BL,ka.

Dhowr Bajaaj Oo Gaaraya Ilaa Toban Markii Ay Ka Dhaqaaqeen Baa Markii Dambe Waxa Uu La Kulmay Oo Uu Istaajiyey Bajaajle Kale Intii Oo Kale Buu Ku Yiri Baryo,Tuugtan Iyo Ducana u Raaciyey Waana Uu Ka Yeelay Bajaajlihii Isagoo u Sheegaya Xitaa In Uusan Ka Qaadaneyn Kana Dooneyn Wax Lacag Ah Si Uu Ugu Soo Noqdo Lacagtaa Uu Heysto ee 0.5$ Ah Marka Uu Suuqa Muraadkiisa Uu Ka Soo Daneeysto.

Bajaajlihii Odaygii Waa Uu Soo Qaadey Waxa Uuna Keenay Suuqa Bakaaraha Oo Uu Doonayey.

Ka Dib Maxaa Dhexmarey Odaygii Iyo Bajaajlihii Markuu Ka Degay Bajaajtii Waxa Uu Odaygii Ku Yiri Bajaajlihii Ii Sheeg Nombarkaaga,EVc ga

Bajaajlihii Oo Qoslaya Baa Ku Yiri Adeer Sow Kuma Dhihin Markaad Suuqa Ka Soo Daneeysato Ku Soo Noqo Lacagtaad Heysato.

Balse Odaygii Baa Ku War celiyey Bajaajlihii Kuna Yiri.

Bacdamaa Aad Tahay Nin Dhalinyaro Ah Oo Iimaan Leh Waxaad Ku Guulleysatey Abaalmarin Lacageed Oo Dhan, 100$, Arintaana Waxay Iga Aheyd Tijaabo Aan Ku Fiirinaayey Iimaanka Qofka,Gaar Ahaan Wadayaasha Bajaajta Lacagna Waan Heystaa Oo Waxaan Ahay Nin Ganacsade Ah

Bajaajlihii Waxa Uu Helay Lacag 100$ Ah Oo Uusan Fileyn Kuna Muteystay Wanaagiisa Iyo Iimaankiisa, sheekadaan Maxaa Ka Fahamtey?.

By Al xaji Anteena