Xafaladda lagu sagootinaayey ciyaartoyda Xeegada Qaranka Soomaaliya oo lagu qabtay Gothenburg

Magaalada Gothenburg ee dalka Sweden lagu qabtay xaflad lagu sagootinaayo ciyaartoyda Qaranka Soomaaliya ee ciyaaraha xeegada oo dhawaan lagu qaban doono magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

xafladaas oo ay soo abaabuleen jaaliyadaha Soomaaliyeed ee magaalada Gothenburg iyo kooxda BKS, Waxaa halkaasi lagu soo bandhigay khudbada, heeso iyo ciyaaraha dhaqanka iyo Hiddaha Soomaaliyeed.

Dhalinyadaa u ciyaareyso Qaranka Soomaaliyeed oo halkaasi joogey ayaa ka hadlay goobtaasi iyagoo u mahadceliyey taageerada ay ka heleen macalimiintooda iyo shacabka Soomaaliyeed oo taageero u fidiyey mid niyadeed iyo waxyaabo kale oo halkaasi lagu soo koobi karin.

Ciyaarata ugu horeysa oo ay ciyaari doontaan Waa 20 Setember 2019 ciyaartowdaas oo ka kooban 7 ciyaartow iyo macalinka hogaaminaayo Yoonis Khaliif.

Hadaan nahay bahda somaliweyn waxaan ciyaartowdaas u rajeyneynaa inay guul ka hooyaan, calanka soomaaliyeedna meeshaas ay Ku muujiyaan iney Soomaaliya ka gudubtay dhibaatadii ay soo martay sanadihii la soo dhaafay.

Soomaaliya ha noolaato

Posted by Somaliwayn Radio & TV on Tuesday, September 17, 2019

Xafaladda lagu sagootinaayey ciyaartoyda Xeegada Qaranka Soomaaliya oo lagu qabtay Gothenburg

Posted by Somaliwayn Radio & TV on Tuesday, September 17, 2019