Taliyaha Ciidanka Booliska oo Kormeeray Ciidamo U Diyaar Garoobaya inay Howlgalo Amni ka bilaabaan Muqdisho.

Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed S/Gaas Cabdi Xasan Maxamed ayaa kormeerey qeyb Ka mid ah Ciidanka Daraawiishta Booliiska Soomaaliyeed,kuwaasi u diyaar garoobaya howlgal amni sugis ah.

Ciidanka Booliska ee Kormeerka ugu tegay Taliye Cabdi Xasan Maxamed ayaa waxaa ay u diyaar garoobayan Howlgalo lagu sugaayo Amaanka Gobolka Banaadir iyo deegaano badan oo ku yaalla Gobolada dalka.

Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed ayaa ku adkeeyay Ciidanka in ay u istaagaan Ilaalinta Maalka iyo nafta Umadda Soomaaliyeed oo ah Waajibka Koowaad ee CIidanka Booliiska Soomaaliyeed .