Shirkii dib u heshisiinta Dhusamareeb: Yaa heshiiyay, maxaase lagu heshiiyay?

Waxaa Magaalada Dhusa-Mareeb ee maamul goboleedka Galmudug lagu soo gabagabeeyay wajiga koobaad ee shirka dib u heshisiinta beelaha Galmudug.

Shirkan oo markiisii hore uu daah-furay ra’iisulwasaaraha Soomaaliya, Xassan Cali Kheyre ayaa waxaa xalay soo xiray Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmajo. Waxaa wehliyay Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Xaaf iyo sheikh Shaakir oo katirsan ururka Ahlu Sunnah Wal-Jamaac.

Yaa heshiiyay, maxaase lagu heshiiyay?

Shirkan oo yimid kadib markii uu khilaaf soo kala dhex-galay maamulkii Madaxweyne Xaaf iyo dowladda federaalka ayaa ujeedkiisu ahaa in dib loo dhiso Galmudug loo dhan yahay.

Madaxweynaha Soomaaliya oo shirkii xalay ka hadlay ayaa waxaa uu sheegay in dib u heshisiinta ay ahmiyad weyn u leedahay bulshada.

“In aan is oggolaano oo aan oggolaano in aan wada noolaano ayuu mustaqbalku ku jira, qof gaar u taagnaan kara malahan, dib u heshisiinta waa wax aan dhammaad lahayn, maxa ayeelay bini’aadam ayaa la yahay, khilaafaad waa uu imaani “, ayuu shirka ka sheegay Madaxweyne Farmajo.

Guddiga dib u heshisiinta ee Galmudug ayaa sheegay in shirkaas la isugu keenay dhamaan beelaha dega, Galmudug, si la isaga qalbi xaaro wixii dhacay, maamul loo dhan yahay loo yagleelo.

“Asalka mashruucan gogol xaarka ah ee dowlad dhisidda wuxuu ahaa in beelaha dega Galmudug, dhaqankooda, dhallinyaradooda iyo aqoonyahannadooda kala duwan ay ergooyin isugu yimaadaan, ayna mar labaad ku ballamaan Galmudug-ta cusub, oo wax Allaale iyo wixii khalad hore u dhacay lagu saxayo, oo mar labaad asaas cusub loo dhigayo Galmudug inay wada dhistaan, qaabka ay u dhisanayaana ay ka heshiiyaan,”ayuu yiri Cabdiraxmaan Baadiyow oo ah guddoomiyaha Guddiga Dib u Heshisiinta Galmudug.

.Lahaanshaha sawirkaVILLA SOMALIA
Image captionXalay ayuu shirka Madaxweyne Farmajo kusoo xiray Dhusa-Mareeb

Dr, Baadiyow ayaa waxaa kale oo uu sheegay inay la fariisteen beel kasta oo wax ka tabanaeysa beel kale, wuxuuna intaa raaciyay inay qoreen wax walba oo ay tabanayeen, si xal loogu helo iyo waxyaabaha ay ka tabanayaan dhismaha Galmudug.

Guddiga ayaa intaa raaciyay in beelihii ka soo qeyb-galay shirka ay isku afgarteen dib u heshisiinta.

“Waxaa lagu heshiiyay in la dhiso Galmudug, oo gogol xaarkan uu bixiyo soo jeedino iyo go’aano uu qaatay, go’aanadii na waa uu qaatay, wax Alle wixii xal u baahan na waxaa ku ridnay laba khaanadood- khaanadda koowaad waa tan shirka soo socda ee xulista xiildhibanaada, su’aalahana waxay ka taagan yahay Yaa ah dhaqankii saxda ah Yaase ahayn? Qeybta labaadna waxaa waaye khilaafaadka beelaha dhexdooda, taas na waxaan u rarnay dowladda la dhisi doonaa”, ayuu raaciyay Dr. Baadiyow.

Waxyaabaha kale ee lgu sheegay ayuu Dr, Baadiyow sheegay inay kamid yihiin in shareecada Islaamka lagu dhaqmo, la turxaan bixiyo khaladaadkii lagu dhisay maamulkii hore ee Galmudug, in Al Shabaab laga xoreeyo deegaanada ay heystaan, in beelaha ay wixii khilaafaad ee dhexmara ay dhexdooda xalistaan iyo in xulista mas’uuliyiinta lagu soo xulo aqoon iyo xufnaan.

Inbadan oo kamid ah beelahan ayaa guddiga uu sheegay inay wax ka tabanayeen qaabkii loo dhisay maamulkii hore ee Galmudug ee la dhisay sanadkii 2015-ka oo oday dhaqameedyo aan sax ahayn oo badan la sameeyo oo qaar badan oo kamid ah ayaa ka tabanayay inay odayaashoodii dhaqanka ee saxda ahaa laga tegay.

.Lahaanshaha sawirkaVILLA SOMALIA
Image captionDr Badiyow – Guddoomiyaha guddiga dib u heshisiinta

“Beelaha qaar ayaa waxay ka tabanayeen in xildhibaanadii la siiyay aysan ku filneyn, qaar kale waxaa ay ka tabanayeen in xildhibana aanan si sax loo dooranin, marka tabashooyin badan ayay sheeganayeen beelaha, wana ka qornay waxaas oo dhan”, ayuu yiri Baadiyow.

Cabdiraxmaan Badiyow ayaa sidoo kale BBC-da u sheegay inay taxliliyeen dhamaan tabashooyinkaas ay soo jeediyeen beelihii ka qeyb galay shirka dib u heshisiinta,talooyin lagu xalinayo na ay ka soo jeediyeen.

Inkastoo qeybtii koowaad ee dib u heshisiinta shirka beelaha Galmudug uu soo dhamaaday ayaa wixii hada ka dambeeya waxaa loo guda geli doonaa magacaabista guddi farsamo oo soo xuli doono odayaasha dhaqanka, kadibna loo gudageli doonaa xulista xildhibaanada Galmudug iyo maamulka guud ee Galmudug, arrintaas oo ay la wareegi doonta wasaaradd arrimaha gudaha ee dowladda federaalka.

Xigasho:BBCSomali