Maxaa ku khasbay Shiinaha in laacibiin u safata koobka Adduunka uu dibedda ka doonto?

Shiinaha wuxuu toddobaadkan isu diyaarinayaa ciyaaraha is reebreebka koobka kubadda cagta adduunka ee sannadka 2022 lagu qaban doonaa dalka Qatar, balse waxaa indhaha lagu hayaa laba ciyaartooy.

Waxay kala yihiin Nico Yennaris oo ah 26 jir ku dhashay Magaalada London iyo Elkeson oo ah 30 jir isna bila kahor la sheegay in uu heystay dhalasahada dalka Brazil.

Labadan ciyaarahan waxaa lagu daray xulka Qaranka ee kubada cagta dalka Shiinaha, kuwaas oo tallaadadii la soo dhaafay la dheelay xulka kubada cagta ee Maldives oo 5-0 ay uga badiyeen.

Dhalashada dalabka ah

Elkeson oo kullankii ugu horeeyay ka soo muuqday ayaa qaab ciyaareed wanaagsan la yimid wuxuuna laba gool u dhaliyay kooxdiisa.

Waa markii ugu horeysay oo ciyaartoy ka soo wareegay dal kale uu dalka Shiinaha u dheelo, uga na qeyb galo ciyaar ka mid ah tartamada adag ee caalamka. Yennaris ayaan weli la soo safin kulamada Shiinaha.

Tallaabadan waa mid muhiim u ah Shiinaha oo ay ku nool yihiin 1.4 bilyan oo qof, waxaana dalka Shiinaha uu hadda isku dayayaa in uu soo jiito ciyaartoyda ajaaniibta ah, si ay gacan uga geystaan dedaalada ay ugu jiran inay ka qeyb qaataan, kuna guuleystaan tartanka koobka kubada cagta adduunka.

Shiinaha wuxuu tartankan ka qeybgalay sannadkii 2002.

.Lahaanshaha sawirkaGETTY IMAGES
Image captionMarcello Lippi ayaa hadda ah tababaraha xulka Shiinaha

Tallaabadan ay dowladda Shiinaha kula soo wareegtay laacibiinta caalamiga ah waa mid ay muddo ku hamineesay, balse aysan u suurtagelin illaa sannadkan. La soo wareegidda xirfadlayaal kubadda cagta ah oo u dhashay dalal kale waa qeyb ka mid ah qorshayaasha loo soo jeediyay Shiinaha.

Marcello Lippi oo u dhashay Taliyaaniga, horeynna ugu guuleystay koobka adduunka ayaa ka tegay shaqada tababaranimada xulka Shiinaha. Wuxuu ka niyad jabay sida Shiinaha looga saaray tartanka koobka Qaramada Aasiya, balse 119 cisho ka dib dib ayuu ku laabtay shaqadaas.

Hasayeeshee markii uu ku dhaqaaqay in ciyaaryahano kale uu la soo wareego waxay gudaha dalka Shiinaha ka dhalisay hadal heyn ballaaran.

Yennaris iyo Elkeson waa labada ciyaartoy ee keli ah ee u dheela dalka Shiinaha sideedi sano ee la soo dhaafay.

Haddaba sidee arrimahan oo kale u dhacaan? Sharciga FIFA muxuu ka qabaa? Waxaa halkan idin kugu soo gudbineynaa dhowr qoddob oo loo baahan yahay inay eegto Shiinaha.

1. In asal ahaan uu ka soo jeedo Shiinaha

Bishii Janaayo kooxda kubada cagta ee Shiinaha, Sinobo Guoan oo k amid ah kuwa ugu tunka weyn dalkaas ayaa ku dhawaaqay in ay la soo wareegeen Nico Yennaris iyo John Hou Saeter, oo labaduba loo diiwaan geliyay inay u dhasheen dalkaas.

Shiinaha ayaa u muuqda in uu doonayo in uu horumariyo xirfadda kubadda cagta ee dalkaas, waxaana ciyaartoydaas ay noqdeen kuwii ugu horeeyay ee lala soo wareego taariikhda kubada cagta ee dalkaas.

.Lahaanshaha sawirkaGETTY IMAGES
Image captionNico Yennaris ayaa asal ahaan ka soo jeeda Shiinaha

Labadan ciyaartoy midkoodna kuma uusan nooleyn hadda kahor dalkaas, waxaana ay u qalmaan inay u dheelaan xulka dalkaas maadaama hooyadood ay asaal ahaan ka soo jeedo dalka Shiinaha.

Labadoodu ba waxay shegeen inay aad ugu faraxsan yihiin sida ay ugu biireen kooxda Qaranka ee dalkaas.

2. In ay ku tababartaan mid ka mid ah kooxaha waaweyn ee Yurub

Inkastoo ciyaartoyda lala soo wareego ay hadda Shiinaha ka tahay siyaasadda ciyaaraha kubada cagta, haddana ciyaartoyga wuxuu u baahan yahay in uu is muujiyo, dedaalna waynna uu sameeyo.

Ujeedada ugu weyn e ay Dowladda Shiinaha ka leedahaya arrintan waxay tahay sidii ay uga qeyb qaadan lahayd koobka kubada cagta aduunka oo ay ugu dambeesay sannadkii 2002, xiligaas oo aysan wax gool ah aysan dhalin. Sannadkii 2005-tii, xitaa kuma aysan guuleysan in ciyaaraha ay ka qeybgalaan.

.Lahaanshaha sawirkaGETTY IMAGES
Image captionDowladda Shiinaha ayaa dedaal ugu jirta ka guul gaarida koobka adduunka

Madaxweynaha Shiinaha, Xi Jinping ayaa daaha ka rogay qorshe cusub oo lagu ballaarinayo laguna horumarinayo barnaamij lagu tababarayo dhalinyarada, si ay gacan uga geystaan mustaqbalka dalkaas, balse ciyaartoyda ajaaniibta ah waa kuwa la doonayo “in lagu gaaro guusha msutaqbalka dhaw”.

Yennaris ayaa la soo tababarty kooxda Arsenal, halka Hou Saeter-na uu ka mid ahaa koox ka dheesha dalka Norway. Labadooduba waxay usoo dheleen kooxaha da’da yar ee naadiyadaas.

Warbaahinta Shiinaha ayaa bishii July kusoo warrantay in Yennaris uu heysto dhalashada Shiinaha, arrintaas oo hadda ay baareyso FIFA.

.Lahaanshaha sawirkaGETTY IMAGES
Image captionRicardo Goulart ayaa isna asal ahaan ka soo jeeda Bazil

3. In qofka uu wareejiyo dhalashada dalalka kale

Tusaale ahaan, Lionel Messi wuxuu heystaa dhalashada iyo basaboorka dalk Spain, iyadoo sidaas ay tahay, haddana wuxuu u dheelaa dalkiisa hooyo ee Argentina, balse taas oo kale kama dhacdo Shiinaha.

Sharciga Shiinaha ma oggola in qofka heysta basaboorka dalkaas uu qaato dhalashada dal kale.

.Lahaanshaha sawirkaGETTY IMAGES
Image captionElkeson ayaa sanadkii waxaa uu qaataa11 milyan oo doolar.

Sannadihii ugu dambeeyay waxaa sare u sii kacayay ajaanibta u wareegeysa dhanka Shiinaha, balse tusaale ahaan, go’aanka ah in qofka uu wareejiyo basaaboorkiisa Ingiriiska ama Norway, si uu ugu dheelo xulka Shiinaha waxay muujineysa awoodda isa soo tareysa ee basaboorka dalkaas uu yeelanayo ama ugu yaraan sida dalkaas ay uga go’an tahay ka guul gaarista ciyaaraha koobka adduunka.

Dhowr sano kahor, kooxaha kubada cagta ee Shiinaha ayaa lacag badan ku bixin jiray si ay ula soo wareegaan ciyaartoyda ajnabiga ah.

Tusaale, Elkeson wuxuu sannadkan 2019-ka mushaar ahaan u qaadan doonaa $11 milyan oo doolar.

4. In ciyaartoyga uu leeyahay magac Shiinees ah

Haddii ciyartoy Shiinaha u dhashan uusan si quman ugu hadli karin luuqadda dalkaas, ugu yaraan waa in uu leeyahay magac Shiinees ah, si marka taageerayaasha ay u yeerayaan ay ugu dhawaaqaan.

.Lahaanshaha sawirkaGETTY IMAGES
Image captionWaxaa muhiim ah in ciyaartoyga uu yaqaano luuqadda Shiinaha

Sidoo kale ciyaartoyda waxaa looga baahan yahay in uu yaqaano oo uu korka ka xifdiyo heesta astaanta Qaranka ee dalkaas, si marka la qaadayo ciyaarta kahor uu ula qaado ciyaartoyda kale.

Shuruudahaas oo dhan ayaa lagama maarmaan u ah ciyaartoyda dalka Shiinaha uu kala soo wareegayo dalalka kale ee caalamka, si ay dalkaas gacan uga siiyaan ku guuleysashada tartanka Koobka Adduunka ee sannadka 2022-ka lagu qaban doono Qatar.

Xigasho:BBCSomali